Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqdey goobo ay dhawaan ciidamada dawlada & kuwa AMISOM kala wareegeen xoogaga xarakada Al-Shabaab, dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Masjidka Sheekh Cali Suufi oo ka mid ah goobaha la qabsadey

Sheekh Shariif oo ay booqashiisa ku weheliyeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada & taliyeyaasha ciidamada, waxaana goobaha uu booqdey ka mid ahaa Wadada Wadnaha, Masjidka Macalim Biyo Maalow, Isgoyska Kaasa Popolare, Masjidka Sheekh Cali Suufi, & Xaafada African Village goobahaasi oo dhamaan ciidamada dawlada kala wareegeen xarakada Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dhufeysyada xoogaga Shabaabku qoteen

Shir jaraa’id oo uu ku qabtey Masjidka Sheekh Cali Suufi ee xaafada KPP madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku sheegay guulaha ay gaareen ciidamadiisu inay tahay adkeynta dawladnimada, waxaana uu ugu hambalyeey ciidamada dawlada KMG ah guusha ay ka gaaren dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, isagoo sheegay inay sii wadaan dagaalka ilaa ay kooxdaasi ka sifeynayaan wadanka.

Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho oo la socdey wafdiga madaxweynaha ee booqdey furimaha dagaalka ayaa soo sheegaya in xaafadaha degmooyinka Hawlwadaag & Hodan ee ay ciidamada dawladu qabsadeen laga dareemayo burbur xoogan oo ka soo gaarey dagaaladii halkaasi ka aloosnaa, waxaana wariyuhu uu soo sheegayaa in wadooyinka degmooyinkaasi ay ka qodnaayeen dhufeyso waa weyn oo ah boholo ah, sidoo kale waxaa burbur aad u xoog weyn uu soo gaarey guryihii deegaankaasi ku yiil, halka dhirta waa weyne eek u tiil hareeraha wadooyinka ay si weyn u waxyeelaysay rasaastii iyo madaafiicdii la isku waydaarsanayey dagaalkaasi.

 SBC News Desk