Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya wuxuu kulan kula qaatey Ra’isalwasaaraha Itoobiya Meles Zinawi waxaana kulankaasi ay kaga hadleen arimo kala duwan.

Wakaalada wararka Itoobiya u afaafisa ee ENA ayaa sheegtey in danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdicasiis Axmed oo kulankaasi ka qayb galey uu dhamaadkii shirkaasi saxaafada u sheegay in labada nin kulankooda kaga hadleen arimaha abaaraha ee ka taagan Soomaaliya.

ENA waxay sheegtey in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsadey Itoobiya inay kaalinteeda ka qaadato oo ku soo biirto la dagaalanka abaaraha ku dhuftey Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa la sheegay in uu u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Itoobiya ay kaga qayb qaadan doonto arimaha abaaraha sidii ay u bixin laheyd taageero gaadiid & logistics oo lagu daabulo mucawinada Soomaaliya loo wado.

Sidoo kale kulankaasi waxaa looga wadahadley sii xoojinta arimaha iskaashiga xiriirka labadan wadan.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dawlada KMG Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif kulanka uu Meles Zinaawi kula qaatey Adis Ababa ay kaga wadahadleen arimaha abaaraha ka oogan Soomaaliya & sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Al-Shabaab & Al-Qaacida oo horistaag ku sameeyey in la gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Sheekh Shariif & Meles Zinawi ay kulankooda ku qaadaa dhigeen amniga Geeska Africa iyo sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya loo helo xal nabadeed iyada oo la og yahay in ay Soomaaliya hada Al-Shabaab/ Al-Qaeda iyo Abaara xun ay ka jiraan, taasna ay u gudbi karto dhamaan Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo Raisalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Maxamed Maxmuud Xaaji Ibrahim,Wasiirada Haweenka iyo qoyska Marwa Maryan Aweys,iyo Wasiirkiii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Mudane Cabdi Rashiid Khallif Xaashi.

Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Sheekh Shariif uu galabta galinkii dambe ka ambabaxay magaalada Adis Ababa, isagoo gaarey magaalada Khartuum ee caasimada wadanka Suudaan halkaasi oo uu caawa ku hoyonayo, isla markaana uu wadahadalo kula yeelanayo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

CC Sulub
SBC Adis Ababa