Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha la shaaciyey in uu iscasilayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd hadalo kookooban oo ay jeediyeen waxay tacsi ugu direen qoyskii, ehelkii & guud ahaan ummada Soomaaliyeed iyagoo uga tacsiyeyey geeridii ku timid wasiirkii arimaha gudaha C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo qarax gurigiisa loogu geystey ku geeriyoodey.

“Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, ILAAH ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin qaali ku ah ummada Soomaaliyeed, wuxuuna naga baxay xili marxalad adag aan ku suganahay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhageyso hadalka Madaxweynaha DFKMG (Sheekh Shariif Sheekh Axmed)

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalbadey in si deg deg ah loo qaado talaabo baaritaan rasmiya oo lagu sameeyo dilkaasi.

Ra’isalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo oo geestiisa isaguna ka hadley dilka marxuum C/shakuur Sheekh Xasan wuxuu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca golaha xukuumada, kiisa & kan shacabka Soomaaliyeed in uu tacsi u dirayo qoyska & ehelka marxuuma C/shakuur isagoo xusey gacan ka xaqdaran dishay.

Halkan ka dhageyso hadalka Ra\’isalwasaare Maxamed C/laahi Farmaajo

“C/shakuur, wasiirka arimaha gudaha wuxuu ahaa nin qaran, nin daacad ah, nin wadani ah, ILAAH waxaan ka rajeynaynaa (Ka baryeyenaa) in uu naxariistiisa jano ka waraabiyo, anagana samiir & iimaan EEBE ha naga siiyo, ma dhiman ee waa mirqay, waligeena waan xusuusan doonna” ayuu yiri Farmaajo.

SBC News Desk