Afhayeenka Xarkada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da qeybta afka Soomaalig ayaa waxaa uu ku sheegay in Masuuliyada weerarka Qarax ee Maanta ka dhacay Wadada KM4 inay iyagu geysteen oo uu fuliyay mid ka mid ah kooxaha isqarxinta u qaabilsan Alshabab.

“Illahay jala wacal waxaa uu muhaadiinta u suurta geliyay baabuur nooca UD-ga loo yaqaano oo runtii si fiican u hubeysan walaal ka mid ah walaalaha mujaahidiinta khasatan oo guutada istashhadiyiinta ka mid ah uu halkaa uu galo oo meeshii la rabay oo hadafkii la rabay weliba dhexda ka istaago waxay digniin u tahay arintani cid alla ciidii u maleyneysay in wadanka hadii la qabsado la haysan karo waxay dignin u tahay qolooyinka ku soo qulqulaya ee kirishtaanka iyo gala raacdaya ah ”

Dhageyso Wareysi Cali Dheere uu siiyay BBC

hadalka ka soo yeeray Sheekh Cali dheere waxaa uu imanaya xilli qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ku dhinteen arday farabdan oo sugeysay natiijada imtixaan loo aadayo wadanka Turkiga wallow cali dheere uu meesha ka saaray inay arday beegsadeen

Mar la weydiiyay afhayeeenka shabaab in waxa eebe u suurta geliyay ay tahay laynta arday soomaaliyeed  waxaa uu sheegay inaysan meeshaan ku ogeyn wax arday ah balse ay dhici karto in goob ka agdhow ay ku waxyeeloobeen waxaana uu xusay in DKMG ay horey u shaaciyay in howlaha imtixnaadka ay xirmeen oo watigooda uu dhamaaday.

Cali dheere waxaa uu yiri warka ku aadan arday ayaa meesha lagu laayay waa warka aad ka maqasheen iyaga oo uu ula jeedo DKMG waxaana uu sheegay in meesha ay joogeen sirdoon badan iyo kooxo u shaqeeya DKMG isaga oo xusay in ujeedkooda uusan ahayn ardayada.

Qaraxa Maanta ka dhacay MAgaalada Muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 70 ruux oo u badan ardey tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacantay.

Maxamed Deeq Cabdalla
Mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring