Madaxweynaha Maamulka gobolada dhexe ee dalka oo dhowaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb Sh Axmed Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hor yimid doorashada maanta ka dhacay Degmada Cadaado taas oo loogu doortay madaxweyne Siyaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in Madaxweynahaas aanu ku iman rabitaanka shacabka Reer gobolada dhexe, ayna heystaan maamul ay ku qanacsan yihiin oo uu isagu u yahay madaxweynahiisa.

Waxa uu Axmed Shaakir intaas ku daray in C/kariin Xuseen guuleed uu ku yimid rabitaanka dad leh dana gaar ah kuwaas oo shirqool u ku wada shacabka reer Gobolada dhexe,

Waxa uu Sidoo kale sheegay in ka ahlusunna ahaan aanay aqoonsaneyn shirka cadaado iyo madaxweynaha lagu doortay aysanna soo dhaweynin hadalada ka soobaxaya Qaramada midoobay iyo dowladda federaalka soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha lagu doortay maanta Degmada Cadaado Mr C/kariin Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Siyaasiyiinta gobolka ee dhuusamareeb ku sugan si xal looga gaaro khilaafka taagan.