Sheekh Maxamed Siciid (Atam)  oo ah hogaamiyaha maleeshiyaad saldhigeedu yahay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Buuraleyda Galgala ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shaley waaberigii ka dhacay deegaanka Galgala uu ahaa mid ay qaadeen maleeshiyadiisu kaasi oo ka dhan ahaa ciidamada Puntland oo halkaasi horey ugala wareegay maleeshiyaadkaasi.

Atam oo wareysi siiyey Idaacada Codka Mareykanka laanteeda afka Soomaaliga ayaa wuxuu uu ku sheegayu wareysigaasi in ciidamada Puntland ay u geysteen sida uu sheegtey khasaaro baaxad leh ayna kala waregeen deegaankaasi, isagoo sheegay in isagu uu haatan ku sugan deegaanka Galgala.

Sheekh Maxamed Siciid (Atam)  Wuxuu qirtey in dagaalkaasi ay kaga dhineen laba nin waxaana uu meesha ka saarey wararka ku aadan in dagaalkaasi khasaare baaxad weyn loogu geystey xoogaga u daacada ah oo uu sheegay inay yihiin dadka deegaanka.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Atam ayaa ku soo aadayaa iyadoo shaley wasiirka amniga ee Puntland Yuusuf Axmed Kheyr warsaxaafadeed uu soo saarey oo la soo gaarsiiyey SBC uu ku sheegay in ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin deegaanka Galgalka ayna dileen 21 ka tirsan maleeshiyo uu wasiirku ku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Halkan ka dhageyso wariyga Sheekh Maxamede Siciid (Atam)

SBC News Desk