Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa Soo dhaweeyay baaq ka soo baxay Qaramada Midoobay kaas oo ahaa in aysan suurto gal aheyn in Mudo kordhin loo sameeyo jiritaanka Xukuumada iyo Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee SOomaaliya,

Waxa uu gudoomiye Shafiir Xasan intaasi ku daray in uu soo dhaweynayo go’aankaasi ka soo yeeray Qaramada Midoobay islamarkaana uu uga Mahadcelinayo dadaalka aan kala go’a laheyn ee ay Qaramada Midoobay ugu jiro xalinta arimaha murugsan ee Soomaalia isagoo gaar ahaan xusay Uqaabilsanada Arimaha Somaliya ee Golaha Amaanka Mr Mahiga.

Warkan ayaa soo baxay ka dib markii uu warsaxaafadeed ka soo saaray gudoomiyaha hoyga uu ka degenyahay Magaalada Muqdisho xarunta dalka, waxaana sidoo kale lagu xusay war saxaafadeedkaasi in labada Masuul sare DKMG ah waa Madaxweynaha iyo Raiisul wasaare ay u hogaansamaan axdi qarameedkii lagu saxiixay dalka Jabuuti.

Waxaa intaasi lagu sii daray in loo baahan yahay in lagu dhaqmo axdiga iyo sharciga u yaala DKMG ah, kaas oo qeexaya in xukuumada, Baarlamanka iyo Madaxweynahaba ay bisha August ee nagu soo aadan Dhacayaan lana guda galayo doorashooyin uu dalku yeesho

Waxan diyaar u nahay wada hadal iyo Heshiir Meel la isugu yimaado taas oo laga gaaro qaabka iyo Habraaca doorashadu u dhici laheyd, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah .

Sidoo kale gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa horay u ka digay in hadii aysan dhicin bisha August ee soo socota doorashooyinka dalka ay somaliya noqondoonto wadan ay madaxweynayaal leh .

Sikastaba xaalku ha ahaadee Madaxweynaha DKMG ah iyo raiisul wasaaraha ayaa qaba in xukuumada loogu daray 1 sano islamarkaana ay xilka ka degeyso bisha August ee Sanadka nagu soo foolleh ee 2012.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho