Muqdisho: Gudoomiyaha Barlamanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa waxaa Uu Maanta Sheegay In ay Bilaabatay Diiwaan gilinta Musharixiinta U taagan qabashada Xilka madaxtinimada dalka Somaliya.

Isagoo Maanta Kulan la Qaatay xubno Ka Tirsan Gudiga Doorashada Madaxtinimada Somaliya Ayaa waxa Uu Sheegay In Ay Diyaariyeen Shuruudihii Loga Baahna In lagu Soo xushto Musharx walba.

Wuxuu sidoo kale afhayeenku sheegay in shuruudaha madaxweynaha dib ka sheegi doonaan laakiin ay ugu muhimsan yihiin:- inuu yahay Soomaali, in da’da musharaxa aysan ka yaraan 40 sano iyo inuu daacad u yahay dalka.

Waxay sidoo kale xubnaha guddiga sheegeen in doorashada gudoonka barlamaanka Soomaaliya iyana ay dheceyso bisha August ee soo socota.

Shariif Xasan Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Aysan Arinkaasi Ka Imaan doonin Wax muran Ah waxaana Uu Ugu baaqay In Cid walba Oo Musharax Ah In Uu Isdiiwaangiliyo Waqtiga Logu tala galay oo Bilaaban doonto 25ka Bishan Abril.

C/risaaq Cismaan Axmed
SBC International Muqdisho