Madaxwaynaha mamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta kulan horay loosii qaban qaabiyay xarunta mamulka Gobalka kula qaatay, shacabka mamulkiisa ee ku nool Magaaladda Garowe ee caasimadda Puntland.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed, Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmo, iyo Masuuliyin Kale Ayaa Ku Sugnaa Kulankaasi Oo Ahaa Mid Balaaran,

Waxgarad iyo Cuqaal Ka soo jeedda Deegaanadda Koonfur galbeed oo kulankan Ka Hadlay ayaa marka hore ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimadda madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxay kaloo sheegeen inay Puntland si xorriyad ah oo nabadgalyo ku jirto ugu ganacsadaan, uguna nool yihiin.

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxwaynaha mamulka Konfur Galbeed ee Soomaaliya Oo Isna Dadkani khudbad Ujeediyay Ayaa mahad celiyay shacabka iyo mamulka Puntland sida wanaagsan ee dadka walaalahooda ah ee kasoo cararay koonfurta dalka ugu marti galiyeen dhulkooda, isla markasna ugu muujiyeen walaalnimo aan xaduud lahayn.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shacabkiisa ku adkeeyay inay amniga ka shaqeeyaan, oo hal ujeedo laga wada yeesho kooxda Al-Shabab oo wali dagaalo ka wada qaybo ka mid ah dalka, sidoo kale waxa uu ganacsatadda Koonfur galbeed usoo jeediyay inay dadaalkooda sii xoojiyaan oo mar kasta ogaadaan in looga bahan yahay taageero,

Waa kulankii ugu horeeyay tan iyo markii Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxwayne loo doortay uu la qaato shacabka gobaladda mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku nool Puntland.

2 IMG_5437-450x300 IMG_5439-450x300 IMG_5440-450x300 IMG_5444-450x300 IMG_5446-450x300 IMG_5448-450x300 IMG_5450-450x300 IMG_5453-450x300 IMG_5456-450x300 IMG_5460-450x300 IMG_5467-450x300 IMG_5478-450x300 IMG_5491-450x300 IMG_5496-450x300 IMG_5508-450x300 IMG_5511-450x300 IMG_5548-450x300 IMG_5553-450x300 IMG_5558-450x300 IMG_5568-450x300 IMG_5570-450x300