Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ,maamulka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose kuwaasi oo horey ugu sugnaa magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa goor dhow Muqdisho ka amba baxday diyaarad wada Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera kuwaasi o ku wajahan magaalada Baraawe.

Arrimaha safarkooda ayaa la xiriira xoojinta iyo dhiiro gelinta howlgalada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay Shabaab kaga saarayaan Dalka.

Waxaa sidoo kale lafilayaa in uu halkaasi gaaro maanta wafdi ballaaran oouu hogaaminayo raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyagoo u kuuragalay arrimaha ciidanka iyo bogaadinta howlgaladasi socda.

Qaban qabo xoogan ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baraawe taasi o lagu soo dhaweynayo mas’uuliyiinta Dowladda.