Magaalada Baraawe waxaa Gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa Goordhow Gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale waxaa halkaasi Gaaray isna Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi kale oo ka socdo maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u amba baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Nuuridiin Yuusuf Abuukar Af-hayeenka Maamulka Koofur Galbeed oo La hadlay warqabadka Warbaahinta SBC ee Muqdisho Ayaa Faah faahiyay u jeedka Wafdigaasi ku Wajahan magaalada Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku shaqeynin.

Dhowr sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah.

DHAGEYSO WAREYSIGA AFHAYEENKA :