Madaxweynihii xilka laga wareejiyay Ee Shariif Sh ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkaasi isagoona sheegay in taasi ay tahay mid isaga lala damacsanyahay balse aanu wax lug ah ku laheyn falalka uu sheegay wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya .
Waxa uu madaxweyne Shariif sheegay in hadalka wasiirka Arimaha dibadda Kenya sheegay uu yahay mid aanu ka fileyn isalamarkaana uu siweyn ula yaabay, waxaanu sheegay in uu ka weynyahay eedeymaha noocaas ah ayna yihiin wax aan loobaahneyn oo lagu qalqalgelinayo wadanoolaanshaha labada shacab ee deriska ah,
Dhinaca kale Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq Maxamuud ayaa dhankiisa difaacay madaxweynihii hore ee Soomaaliya kuna tilmaamay mid nasiib daro warka ka soo yeeray dowlada dalkaasi kenya
Madaxweyne Xasan Sheeq waxa uu sheegay in ay la xiriireen dowlada Kenya ayna ku tilmaantay warka ay sheegtay war si qalad ah u baxay ayna dib isugu laabaneyso lagana sugayo cadeyntiisa.
Waxa uu sheegay in dowlada Kenya looga baahanyahay cadeynta warkaasi ka soo baxay, ayna dowladiisu ugaga fadhido dalkaasi Kenya, waxayna dowladiisa difaaceysaa oo ay cambaareyneysaa meelkadhac lagu sameeyo madaxweynihii hore Soomaaliya Mr Shariif .
Maalin nimadii shalay ayaa waxaa siweyn loo baahiyay war ka soo baxay wasiirka arimaha Dibadda dalka Kenya Sam Ongeri kaasi oo ku aadanaa eedeyn ka dhan ah madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sh Axmed kaasi oo uu ku sheegay in qaraxii ka dhacay hotelka Jazeera isbuucii hore uu ahaa shirqool uu ku lug lahaa .
SBC International Garoowe
Daalacatey :856