Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa xalay xaqiijiyey inay Alshabaab gacanta ku dhigeen 14 Shaqaale oo la socday Dooni Kalluumeysi oo ku ciladowday Xeebaha Somalia.

Telefishinka waxa uu sheegay in Doonidaasi oo ay leedahay Shirkad Kalluumeysi oo Iiraani ah ay dhibaato farsamo ku qabsatay meel ku dhow Xeebaha Soamlia.

Telefishinku wax faahfaahin ah kama bixin doonidaasi oo ay Alshabaab shalay ka qafaasheen Xeebta Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.

.Dhinaca kale, Alshabaab Wali wax hadal ah kama soo saarin arrintaasi.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warbaahinta Gudaha inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Kalluumeystadaasi oo ay dooni kula soo caarisay Xeebta Deegaanka Cigo.

Wararkii ugu dambeeyey ee  naga soo gaaray Deegaanka Cigo ayaa Sheegaya  inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kaxaysteen Kalluumeysatadda Iiraaniyiin deegaan ku dhow Galhareeri.

Maahan Markii Ugu horeysay Oo Qafaalasho Loo Geeysto Shaqaale La Socda Markab Ajaanib Ah Oo Ka Agdhow Xeebaha Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud, Waxaase intooda Badan Lagu Soo Furtaa Lacago madaxfarasho Ah.

SBC, News.