Wararka imaanaya Deegaanada u dhaxeeya Deegaanka Bacaadweyn iyo Deegaanka Mergaaga ee Gobolka Mudug ayaa ayaa sheegay in laga afduubay laba qof oo Ajanabi ah iyo Nin Soomaali ah kuwaasi oo ka shaqeynayay NGO Local ah oo aan weli Magaciisa si rasmi ah loo shaacinin.
Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax oo u waramay Warbaahinta SBC ayaa sheegay in kooxda Qafaalka Geystay ay weerar ku qaadeen Gadiidka Waday Shaqaalaha Ajanabiga ah waxaana Halkaas ku dhaawacmay 3 ka mid ah Ilaaladan Kooxdan
DHAGEYSO-DUQA GAALKACYO OO KA WARBIXINAYA AFDUUBKA
Shaqalaahan lagu Afduubtay Deegaanka Mergaaga waxaa ay ka soo kicitimeen Magaalada Garawe iyaga oo kormeer u tagey deegaanka kormeerkaas oo la xiriira In ay soo eegaan Howlo ay ka qabteen Deegaanka Afduubka loogu geystay
Dhinaca kale Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ay Ciidamo u direen Deegaano kala duwan oo lagu tuhmayo inay kooxdan ku jiheysan yihiin kuwaasi oo ku raadjooga Halka ay si rasmi ah u aadaan.
Gudoomiyaha ayaa ku tilmaamay falkan Afduub ee ka dhacay Deegaano hoostaga Gaalkacyo ay Masuuliyadiisa Qaadayaan Kooxda Shaqaalahan waday oo uu sheegay inaysan Maamulka waxba kala socodsiinin Kormeerkooda
Waa markii ugu horeysay oo Fal Afduub ajanabi ah uu ka dhaco Deegaanka Mergaaga oo hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
Wixii ku soo kordha kala soco SBC International
Daalacatey :773