Tababar soconayay mudo laba maalin ah loona qabtay shaqaalaha wasaarada Maaliyada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay . 

Tababarkaan ayaa ah mid ay shaqaalaha wasaarada maaliyadu ee Boosaso ay kubaranayeen qaabka xisaabadka loo xiro oo casri ah .

Waxana bixinayay Tababarkaani Cismaan Maxamuud Cali oo ah lataliyaha wasaarada Maaliyada ee dhinaca qaybta xisaabadka Guud,waxana uu ahaa tababarkaani mid soconayay muddo labo maalmood ah .

”Mid waxa ay ahayd qaabka xisaabadka loo xiro ama loo xisaabiyo dowladuhuna usameeyan oo hab casri ah oo waliba aduunka kajira ujeedkuna ahaa in shaqaalihii halkaan joogay lasoo gaarsiiyo” Sidaasi waxa yiri Cismaan Maxamuud Cali oo ah lataliyaha wasaarada Maaliyada ee dhinaca qaybta xisaabadka Guud.

Dhageyso Wareysi Khaas ah oo uu lataliyuhu Siiyay SBC International,,RIIX AMA DAAR

Waxa uu sidoo kale sheegay Cismaan Maxamuud Cali oo ah lataliyaha wasaarada Maaliyada ee dhinaca qaybta xisaabadka Guud in wasaarada maaliyada ee Puntland ay dadaal dheer ugu jirto sidii ay ugu shaqayn lahayd Nidaam casri ah oo kabadalan nidaamki hore ee ay wasaaradu ku howl gali jirtay .

Waxana uu noqonaya Tababarkaani mid daba socday Tababaro kale oo loo qabanayay mudooyinkii ugu dambeeyay Shaqaalaha wasaarada Maaliyada ee Puntland.

Shalay ayay Ahayd markii uu wasiirka maaliyada ee Puntland uu daah furay Tababarkaani looqabtay shaqaalaha wasaarada maaliyada ee Puntland maanta ayuuna soo idlaaday dhamaana shaqaalihii ka faa idaystana waxa lagudoonsiiyay shahaado sharaf .

DSC00591 DSC00594 DSC00595 DSC00604 DSC00610