Iyadoo Magaalada Garoowe xalay lagu soo gaba gaabeeyay shirkii looga hadlay aayaha umada Soomaaliyeed ee wadatashiga ayaa markii ugu horeysay waxaa si rasmi ah uga hadlay qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Sanaag .

Xubno ka mid ah Madaxda iyo qeybaha ururada Bulshada ayaa SBC u sheegay in ay soo dhaynayaan Shirkaasi Soo afmeerma iyagoona intaasi ku daray in uu ula muuqdo mid danta dalka iyo dadkaba ku jirta .

Waxaa sidoo kale ay ka dalbadeen xubnahani umada Soomaaliyed meelkasta oo ay joogaan in ay taageeraan shirkada wadatashiga qeybihiisa kala gedisan ee ay ka soo bexeen waxyaabaha la kala sixiixday.

Ugaas Xasan Jaamac Dhegood oo ka mid ah odayaasha gobolka ayaa sheegay in siweyn ay ugu qanacsanyihiin waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi ayna siweyn ugu boorinayaan dhinacyadii ka qeyb gashay in ay fuliyaan dhamaan waxyaabihii la kala sixiixday.

Sikastaba ha ahaatee habeenimadii xalay ayay aheyd markii ay ku dhawaaqeen dhinacyadii ka qeyb galay kulankii wadatashiga Garoowe 2 ay soo afmeereen islamarkaana isku raaceen heshiis loo dhanyahay.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Boosaaso