Shacaabka iyo Waxgardaka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xaruunta gobalka Bari ayaa ka hadlay Barlamanka cusub ee aan wali lasoo dhameystirin ee Dowlada Soomaaliya
Nabadoon C/qaadir Axmed ibraahim Xarago oo ka mid ah waxgaradka gobolka Bari ayaa sheegay in uu soo dhawenayo Barlamaanka cusub ee dhawaan la soo xulay isagoona sheegay in uu isbadl Weyn kusameen doona Xaalada siyaasadeed ee dalka oo herar kala duwan soo martay
Beeldaaje Yaasiin Xaaji Cabdulaahi isna waa mid ka mid ah Waxgaradka gobolka waxaana uu ku tilmaamay Barlamankan cusub mid lagu faano isagoona taas ku macneeyey Dadka Soomaalida ah ay soo mareen Dagaal iyo dhibaato kalagadisan tanna ay u tahay guuul.
Sidoo kale Waxaa siyaabo kalagadisan Fikirkooda uga dhiibtay qaar ka mid ah Haweenka gobalka Bari waxaan ka mid ahaa Hooyo Axdo Dhoodi oo iyadu sheegtay in ay soo dhaweyneyso Barlamanka cusub, uguna baaqday Xildhibaanada cusub in ay soo Dadejiyaan Gudoomiayaha Barlamaanka si loo soo doorto Madaxweyne cusub.
Qaar kood dadka la hadlay SBC ee dhiibtay figradahooda ayaa iyana ku sheegay baarlamankan mid aan waxba soo kordhineyn inkastoo ay rajo ka muujinayeen maadaama lagu magacaabay Dalka gudihiisa laguna wado in ay isla dalka gudihiisa ku soo doortaan Madaxweyne cusub.
Ka hadalkan Arintan waxa uu Imaanayaa Xili wali aan ladhameystirin Barlamanka cusub ee dhawaan lasoo Xulay iyadoona ay jiraan Shirar Hordhaca ay yeelanayaan Barlamaanka cusub iyo qaban qabada Gudoomiya Barlamaaka oo Lafilaayo in ladoorto lix iyo Labaatanka Bisha .
Casiiso Muuse C/kariim
SBC International Boosaaso