Maanta oo Axad ah waxaa loo dareerayaa dalkaasi Turkiga cod bixinta doorashada baarlamaaniga ee wadankaasi ,iyadoona xisbiga talada dalkaasi haya AKP loo filayo in uu ku guulaysto.

Waxaa ilaa galinkii dambe ee shalay dalkaasi ka socday Ololaha doorashada Baarlamanka,iyadoona axsaabtu ay wadeen soo bandhigi taanka Ololahooda ee doorashada.

Raysal Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo kula hadlayay malintii shalay xarunta wadankaasi ee Istanbuul taageerayaashiisa ayaa sheegay in markale xisbigiisu uu u taagan yahay in mar Sadexaad uu talada dalkaasi qabto.

Qaar kamid ah axsaabta Mucaaradka Turkiga ayaa ku dhaliilay Dowlada in ay doonayso siyaaba musuqmaasuq ah in ay ugu guulaysato doorashada baarlamaanka.

Doorashada Baarlamaaniga ee maanta ka dhacaysa Turkiga waxaa ka qayb galaya in ka badan 50 Million oo qof,waxaana goobaha loo asteeyay in ay cod bixintu ka dhacdo ay kor u dhaafayaan 199 goobood.

Doorashada Baarlamaaniga ee Turkiga waxaa ay imaanaysaa xili Dowlada Turkigu ay kordhisay dagaalada ay kula jirto kooxda Kurdish-ka ah ee gooni ugoosadka Pkk,gaar ahaana ka dagaalanta buuraha kulaala xadka Turkiga iyo Ciraaq.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring