Shacabka Soomaaliyeed oo siweyn uhadal haya Doorashooyinkii Baarlamanka ee Shalay

Shacabweynaha Soomaaliyeed ayaa siweyn u soo dhaweeyay doorashada Baarlamanka Soomaaliya uu shalay ku doortay Gudoomiye Baarlamaan iyo ku xigeenadooda.

Shacabka ayaa sheegay in siweyn ay ugu faraxsan yihiin in gudaha dalka lagu qabtao doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay mid horay loogu qaaday talaabo muhiim ah oo horseedeysa is aaminaad iyo horumar.

C/kariin Muufo oo ka mid ah Bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa tilmaamay in ay arintani noqoneyso Taariikh islamarkaana ay siweyn ka shacab ahaan ugu qanacsanyihiin sidii ay shalay u dhacday Doorasahada.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn qaarkii oo ay SBC la dhexqaatay Microphone-ka ayaa sheegay in ninka loo doortay gudoomiye nimada Baarlmanka ee Prof Jawaari uu yahay nin ku haboon oo wax weyn ka qaban kara xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku jiro.

Siwalba xaaladu ha ahaatee waxaa siweyn loo hadal hayay maanta doorashooyinkii shalay ay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ku doorteen Masuuliyiinta Baarlamanka Soomaaliyeed.

SBC International Garoowe

Daalacatey :405

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print