Shacabweynaha ku dhaqan Deegaanada Puntland ayaa Ra’yigooda ka dhiibtay sida ay u arkaan Ciidan ka socda dowlada Kenya oo gudaha u soo gala qeybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya.

Waxa ay badankood isku raaceen shacabka fikrada ah in dowlad aysan ku duuli ka rin dowlad kale islamarkaana ay tahay xad gudub ciidan ay leedahay dowlad oo gudaha u gala wadan kale iyagoo ay jiraan marmarsiyo aan xaqiiqo ooheyn waasida ay fikadooda ku cabireene.

Barnaamijka Dooda City FM Radio oo Baariner la ah Idaacada SBC International islamarkaana baxa xiliyada Barqooyinka ayaa maanta waxaa lagu dhexdhigay dadweynaha dooda ku aadan Ciidan kan Kenyanka ah ee gudaha u soo galay Somalia, iyagoona siweyn ugadooday kuna tilmaamay wax aan la qaadan karin oo ay siweyn uga xumaadeen.

“Markii ay soo bexeen wararkan ayaa ay si toos ah u xaqiijisay dowlada Kenya, balse waxaa wax aan jirin ku tilmaamay xukuumada DKMG ah, waana Masuuliyad daro”ayay Tiri haweeney ka mid ah haweenka ku dhaqan Magaalada Boosaaso oo Barnaamijka ka qeyb qaadaneysay.

Jawaawir ayaa intaasi raacisay in ay siweyn uga xuntahay ciidamada ay dowlada Kenya soo geliso gudaha dalka iyadoo sheeganeysa waxyaabo ay ku tilmaantay Mar mar siyo balse ay tiri waxaaba lagu xalin karay marmarsiyahaas iyadoo dalkeeda ku sugan.

Maxamed Gentelman waxa uu isna ka mid yahay Dhageysta yaashii ka soo qeyb galay Barnaamijka waxaanu ka suganyahay Magaalada Garoowe xarunta Puntland, waxaanu dhankiisa sheegay in arintani ay macquul tahay in ay ka dhalato cawaaqib xumi ku wajahan Dalka kenya, isagoo soo qaatay in Somali badan ay ku nool yihiin gudaha dalkaasi ayna ka geysan karaan waxyaabo amni dari ah maadaama nin dalkiisii lagu duulay uu ka xumaanayo.

Waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed badigood aan Raali ka aheyn soo galitaanka ciidamada Kenya gudaha dalka gaar ahan qeybo ka mid ah gobolada jubooyinka, waxaana ay sidoo kale arintani dusha uga tuureen waxyaabaha ka dhalan kara dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo iyadu sida ay shegeen sahashatay arimahan.

Cismaan Saalax
SBC International