Bananabax ayaa maanta waxa uu ka kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, waxaana banaan baxyadaasi loogaga soo horjeeday Maamulka lagu aas aasayo degmada cadaado ee gobolka Galgaduud kaas oo dhowaan lagu sheegay dastuurka u degsan in uu xadkiisu ayahay gobollo Puntland ka tirsan ,

Inkastoo banaanbaxa ka dhacay magaalada Boosaaso ay dib u dhigeen madaxda degmada ayaa hadana waxaa isu soobaxay bulshaweyn farabadan kuwaas oo shucuurtooda ka muujiyay magaalada.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa kala qeyb galay Banaabaxa maanta ay isugu soo bexeen shacabka Garoowe, iyagoo kula hadlay goob fagare ah.

Waxaa ay dhaliileen madaxda gobolkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay in ay wax ka ogtahay arrinta sharci daradda ah ee ka soocta Degmada Cadaado, waxaana ay ugaga digeen in arrintaasi ay saameyn ku yeelato heshiiskii labada dhianc.

 

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay magaalooyinka maanta uu ka dhacay banaanbaxyada, waxaana la arki karay askar farabadan oo la dhoobay goobaha lagu qabtay siiba magaalada Boosaaso subaxnimadii saaka.