Iyadoo Mudooyinkii Udanbeeyay Ay Deegaanadda Puntland Ay Soo Gaarayeen Qaxooti ka soo Cararaya Dalka Yemen Ayaa Waxaa Arintaasi Baaq Ka Diray Isimadda Puntland.

islaan Maxamuud Islaan Yaasiin Oo Kamid Ah Isimada Puntland oo Maanta shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaaladda Qardho ayaa guud Ahaa Shacabka Reer Puntland Ugu Baaqay iney dadkaasi Caawiyaan.

Sidoo Kale Islaanka Ayaa Ka Codsaday dhamaan Qeybaha Bulshadda Iney Soo Dhaweeyaan Dadkaasi Walaalahood Ah Ee Ka soo Cararaya Colaadda Dalka Yemen.

Hoos ka dhageyso: