Shacabka iyo Maamulka Deg Matabaan oo soo dhaweeyay dib u howlgalista WFP

Shacabka iyo Masuuliyiinta maamulka Ahlusuna ee degmada Matabaan gobolkaasi Hiiraan ayaa siweyn u soo dhaweeyay soo laabashada Hay’adaha cuntada Aduunka ee qaramada Midoobay WFP ay ku soo laabatay deegaankaasi.

Shacabka tabaaleysan ee ku dhaqan gudaha Mataabaan iyo Maamulka halkaasi ka jira ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin siweyna u soo dhaweynayaan ka howlgalista markale Hay’ada WFP deegaano ka tirsan gobolka siiba Degmada Matabaan.

Masuuliyiinta Maamulka Matabaan ayaa sheegay in Matabaan ay ku sugan yihin dad rayid ah oo Barakacayaal ah islamarkaana u baahan gacan qabasho dhinacyo badan siiba dhinaca raashinka iyo Caafimaadka.

Soolaabashada WFP ee deegaanadas waxay ka dambeysay ka dib markii maalmo ka hor gobolkaasi Galgaduud uu gaaray uqaabilsanaha Arimaha Bin aadan nimada Qaramada Midoobay Soomaaliya ninka lagu magacaabo Mark Bowden, isagoona balan qaaday in WFP ay ka howgaleyso deegaanada gobolka siiba Matabaan.

Dhamaadka Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayay aheyd markii hay’adaha WFP ay isaga baxday deegaanada gobolkaasi Galgaduud ka dib markii halkaasi lagu dilay 2 ka mid ah shaqaalaheeda iyo masuulka urur maxali ah oo la shaqeynayay.

SBC INternational Dhuusamareeb

Daalacatey :427

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print