Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland gaar ahaan kuwa degan deegaanada ka agdhow xeebta magaalada ayaa caabsho xoogleh ka muujiyay urta Kaluun ay badu soo tuftay.

Qaar ka mid ah dadweynaha degan xaafadaha ka agdhow badda sida xaafada Carab, xaafadda Laanta Hawada iyo xeebaha xaafadaha kale ayaa sheegay in ay si aad ah uga baqa qabaan kaluun aad u tiro badan oo ay baddu banaanka u soo tuftay islamarkaana uu si aad ah u saameeyay sixada urka lagana dareemayo inta badan Magaalada.

Ilaa iyo iminka lama yaqaano waxyaabaha kasbay dhacdadan oo noqoneysa tii labaad oo mudo yar ka dib lagu arko xeebta ku heerersan Magaalada Boosaaso .

Dadweynaha qaar ee magaalada ayaa hadii aad la kulanto kuu sheegaya in dhacdadan oo kale mudooyinkii ugu dambeeyay aan lagu arag Badda Boosaaso iyagoona kugu tilmaama in ay jirto waxyaabo kasbay in kaluunka uu badda soo noco.

Ma jirto cid ka tirsan Wasaaradaha ku shaqada leh Baddka ee Puntland oo ka hadlay dhacdadan marka laga reebo kalhore marka ay dhacday arintan oo ay ku sheegtay wasaarada baddka iyo dekedaha in ay jiraan xiliyo ay baddu sameyso dhacdooyin ceynkan oo kale ah.

Sikastaba ha ahaatee 3dii maalin ee ugu dambeysay waxaa siweyn loogaga dareemay xaafadaha ka agdhow badda Urka uu sameynayo kaluunkaasi banaanka u soo baxay, waxaana ay ka digeen laamaha caafimaadka in ay ka dhalankaraan waxyaabo wax u dhimi kara caafimaadka.

SBC International News Desk