Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyay waxa ka jiray dhaq dhaqaaqyo ay waday Dowlada hoose ee magaalada Boosaaso kaas oo ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso bilicdii magaalada iyo baneynta qeybaha kala duwan ee wadooyinka .

Qeybaha hore ee gelinka hore maalintii waxaa siweyn loogu dhex arki karaa gudaha magaalada gaar ahaan wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaarkood kooxo ka shaqeynaha nadaafadeynta dowlada hoose oo wada howlgalo ay ku soo celinayaan bilicda.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa maanta lagu soo qaatay Barnaamijka Nasashada SBC oo duhur walba ka baxa Idaacada SBC Maalinta jimcaha ah qodobka ku aadan sidii ay dadweynaha magaalada ugala qeyb qaadan lahaayeen qaabka nadaafadeynta iyo soo celinta bilicda magaalada kooxaha dowlada hoose .

In ka badan 110 qof oo soo galay qadka taleefanka islamarkaana uga qeyb qaadanayay figradooda barnaamijka waxay isku raaceen in ay nadaafadu tahay mid si weyn loogu baahanayhay islamarkaana ay danta ugu weyn ugu jirto shacabweynaha hadii laga eego dhinacyada Caafimaadka, bilicda iyo weliba habsami u socodka Amaanka, ayna haboontahay in dadweynuhu ka qeyb taan.

C/weli Siciid Xirsi waa xubin ka mid ah golaha deegaanka degmada Boosaaso, waana xubin ka mid ah saraakiisha u xilsaaran hooshan, waxaana isagoo ka hadlayay barnaamijka ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan howlahan ay dowlada hoose wado, isagoona siweyn ugu mahad celiyay Idaacada SBC Interntional oo uu ku tilmaamay in ay tahay idaacadaha sida weyn uga qeyb qaata qeybaha horumarinta iyo soocelinta wada shaqeynta bulshada,(DHAGEYSO)

Sikastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso ayaa marka si loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay siweyn ugu liidatay dhinacyada bilicda iyo nadaafada, mana ahan markii ugu horeysay oo ay dowlada hoose Boosaaso ku dhaqaaqdo howlahan oo kale .

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Boosaaso