Xarakada Al-Shabaab ayaa ku soo bandhigay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose dhoolotus ciidan oo ay ka qayb galeen caruur & ciroole la sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen difaaca dalka iyo dagaalada ay Shabaabku ku jiraan.

Dhoolo tuskan ciidan oo lagu qabtey shaley xeebta magaalada Marka ayaa waxaa ka soo qayb galey oo u soo daawasho tagey boqolaal dadweyne ah, waxaana dhoolo tuskaasi lagu soo bandhigay odayaal da’a ah oo ku hubeysnaa warmo & falaaro kuwaasi oo halkaasi ka sameeyey carbis falaaro gamid ah iyo falaaro tuuris ah.

Qaybta caruurta waxaa la soo bandhigay caruur da’doodu u dhaxeysay 8 jir ilaa 16 jir kuwaasi oo ku hubeysnaa qoryaha fudud sida AK 47, isla markaana wajiyada qarsadey, isla markaana u qaab labis eg xoogaga Shabaabka.

Talaabadan ayaa qayb ka ah dhoolotus ciidan oo mudooyinkii dambeeyey soo bandhigayeen xoogaga Shabaabka oo isku diyaarinaay dagaalo ay la galaan ciidamada Kenya ee soo galey gudaha Soomaaliya.

Todobaadkii hore xarakada Shabaabku waxay ku soo bandhigeen degmada Marka cudud ciidan iyo qalab dagaal oo ay ka mid yihiin doonyo ay ku rakiban yihiin qoryaha lidka diyaaradaha kaasi oo ay sheegeen inay kula dagaalamayaan diyaaradaha dagaal ee duqeymaha ka geysanaya deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Hadaba filim muuqaal ah oo ku saabsan dhuulotuska Shabaabka ee odayaasha falaaraha ku hubaysan iyo caruurta iyo waliba qalabka ciidan ee ay soo bandhigeen link-ga video-ga hoose ka daawo. 
HALKAN RIIX VIDEO

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com