Xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG Soomaaliya ayaa saxaafada u soo bandhigey meydadka in ka badan 70 askari oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM oo lagu diley dagaaladii cuslaa ee shaley ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile iyo deegaanada ku xeeran.

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegtey inay ay dileen sida uu sheegay 150 askari oo ka mid ahaa wax uu ugu yeeray gaalada dalka ku soo duushay, wuxuuna sheegay in ay hada daadsan yihiin meydadkaasi 70 ka mid aha deegaanka Ceelasha biyaha.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegtey inay jug culus oo dhimasho iyo dhaawac isagu jirta ay u geysteen ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM ee ay dileen ay u badan yihin ama dhamaantood yihiin kuwa u dhashay wadanka Burundi, wuxuuna xusey inay sii wadi doonaan xeeladahan dagaal ee ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay cadowga gaalada ah ee dalka ku soo duulay.

Dhinaca kale dad ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha oo aan xiriiro madaxbanaan la sameynay ayey inoo xaqiijiyeen meydadka ciidamada AMISOM ee lagu diley dagaaladii shaley ka dhacay Dayniile.

“Gaari iska rogo ah ayaa laga soo buuxshay meydadka ciidamada AMISOM,anigu waxana indhahayga ku arkey oo aan tiriyey 63 qof” ayay tiri Shamso Cabdulqaadir oo intaasi ku dartey in ay ciidamada qaarkood ay wateen qalabkoodii dagaalka sida koofiyadaha iyo tuutaha.

Afhayeenka Al-Shabaab oo ka haldey goobta lagu soo bandhigey meydadka AMISOM wuxuu sheegay in ay ka heleen ciidamada ay dileen waxyaabo ay ka mid yihiin buuga Bible-ka ee ay kitaab ahaanta u caabudaan dadka aaminsan diinta Kirishtaanka iyo caalamadaha Isu tilabta ee Kirishtanka, waxaana uu soo bandhigada qalabkaasi uga faa’ideystey in uu dadkii isugu soo baxay goobtaasi uu ku qanciyo in hadaladii ay sheegi jireen Shabaabka ee ahaa in dalka gaalo ku soo duushay ay yihin kuwa cadaan ah oo aanay marqaati aan u baahneyn sida uu sheegtey.

Meydadkan la soo bandhigey ee ay Shabaabku ayaa noqonaysaa dhimashii ugu badneyd ee hal maalin soo gaarta ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada Burundi iyo Ugandha ee yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2007-dii.

Sidoo kale waxay ka dhigan tahay ayay leeyihiin dadka arimaha military-ga ku xeesha dheer in Shabaabku ay wali haystaan quwad oo ay awood ahaan wali dhisan yihiin inkastoo jug culus oo dhanka dagaalka ah ay soo gaartey mudooyinkii ugu dambeeyey.

Ciidamada Burundi ee ka mid ah hawlgalka AMISOM kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ka koonban 9 kun oo askari.

DAAWO SAWIRADA

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahemdaar@live.com