Hab dhaqanka dadka lacaga leh ee dunida ayaa siyaabo kala duwan loola yaaban yahay tiiyoo hantida faraha badan ee ay leeyihiin si bilaa macni ah ugu sameeya waxyaabo ay u sameeyaan halaguu qoslo iyo halagaa sheego.

Warbaahinta dunida waxaa soo jiitey dhacdyo yaab iyo amakaag leh ka dib markii nin Maalqabeen ah oo u dhashay wadanka Hindiya uu ku kacay arin aan horey sheeko iyo shaahid midna loogu arag ama loo maqal ka dib markii uu shaar ka sameysan dahab uu ku iibsadey aduun lacageed oo gaaraya 23 kun oo doolar.

Ninkan oo lagu magacaabo Datta Phuge da’diisuna tahay 32 sano waa maalqabeen ka taajirey ganacsi dayn dulsaar ah oo uu siiyo dadka, waxaana uu ku macneeyey talaabadan in uu ku doonayo in ku soo jiito indhaha haweenka.

Shaarka dahabka ah ee ninkan iibsadey waxaa  guud ahaan uu ka sameysan yahay dahab saafi ah iyadoo 15 nin oo farsamo yaqaano ah ay ku qaadatey sameynta shaarkan laba asbuuc ah iyo waliba 16 saacadood, waxaana culeyskiisu uu gaarayaa 3.25kg.

Laakiin su’aasha iswaydiinta mudan ee ay warbaahintu waydiisay Datta Phuge oo ah ninka shaarkan ka sameysan dahabka iibsadey ayaa aheyd maxay tahay ujeedada arintan uu u sameeyey.?Datta Phuge oo ka jawaabaya su’aashan wuxuu ku macneeyey talaabo uu ku soo jiidanayo haweenka wuxuuna yiri “ Waan ogahay inaan ahayn ninka ugu quruxda bada aduunka, laakiin hubanti waxaa ah in haweenku ay shaarkan ku indho dar-dari doonaan maadama uu indhaha ka cawarayo, waana sababta aan u doortey inaan ku soo jiito dareenkooda”.

“Shaarkan dahabka ka sameysan wuxuu ahaa riyo aan ku haminayey in mudo” ayuu sii raaciyey Datta Phuge oo wareysi gaar ah siiyey wargeyskka Pune Mirror ee ka soo baxa wadanka Hindiya.

Link-ga hoose riix si aad u daawato video ku saabsan wareysi ninkan lala yeeshay isagoo shaatigaasi ku labisan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO ARINTAN KU SAABSAN

Yaasin Faradheere
SBC International Stockholm