Madaxweynaha Dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socdaal indha indheyn ah wuxuu ku soo marey goobaha loogu talay inay ka dhacaan shirka wadatashiga Soomaaliya ee maalinimada beri ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale uu soo kormeeray goobaha hoyga u noqon doona ergooyinka shirka ka qayb galaya.

Sheekh Shariif ayaa wuxuu booqdey xarunta Baarlamanka oo ah halka uu beri ka furmi doono shirka wadatashiga & hool ku yaal garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo wixii beri ka dambeeya uu shirka ka socon doono.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu booqdey hoyga jiif ahaanta loogu diyaariyey ergooyinka ka qayb galay, kaasi oo ku dhexyaal xaruntii hore ee shirkadii muuska ee Somali Fruit.

Intii uu goobahaasi booqanayey Sheekhu wuxuu warbixino ka dhageystey hawlwadeenada ku hawlanaa maalmihii la soo dhaafay hagaajinta & diyaarinta goobaha shirka loogu tala galay in uu ka dhaco & halka ay degayaan ergada shirka ka qayb galaysa, iyadoo madaxweynuhu uu qaatey warbixin Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka warbixiyey sida loo diyaariyey hoolka xarunta baarlamanka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dadka gacanta ku haya qabsoomida shirka inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan ergooyinka ka kala imaanaya gobolada dalka ee shirka ka qayb galaya isagoo sidoo kale ummada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay shirkan ka faa’ideystaan, waxaana uu ILAAH uga baryayey shacabka Soomaaliyeed in uu ka dulqaado dhibaatada oo shirkan uu noqdo kii ummada Soomaaliyeed uga bixi laheyd dhibaatada wadanka ka taagan 21-ka sano.

DAAWO SAWIRADA
 

Hayaat Cabdalla Ciise
SBC International Muqdisho