Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kula qaatey qarsiga madaxtooyada ee magaalada Khartuum Madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo ka wadahadley xiriirka labadan ee walaalaha, isbadalada dhanka siyaasada iyo military-ga ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaalada gobolka.

Kulankaasi ayaa madaxweynaha Suudaan Cumar wuxuu u balanqaaday Madaxweynaha Soomaaliya inay dawladiisu sii wadi doonto taageerada walaaltinimo ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta dhinacyada bini’aadamtinimada iyo waliba dhanka waxbarashada.

DAAWO SAWIRADA

SBC News Desk