Iyadoo dhamaan ummada soomaaliyeed meelay joogaanba lagadareemayo hididiilo iyo farxad ku aadan horumarka ay samaysay xukuumada badbaado qaran oo uu hogaaminayo radial wasaare prof Gaas ,oo juhdi iyo calool adayg kubixiyey aduunweynahana ku qanciyey in soomaaliya laga saaro kumeel gaarnimada , taasina uu ku guulaystay raiisal wasaare Gaas, ayaa hadana waxaa dhankakale moodaa inay weli jirto carqalado horleh oo ka hor imaan kara geedi socodka nabada Soomaaliyeed.

Taariikhda caalamka iyo mida soomaaliyaba hadaad dib uraacno waxaa madaxwenayaasha aduunka soo maray marxalado adadag oo  Loo baahan yahay  in go,aankiisa madaxwenuhu ku adkaysto haday dacar ka qaraartahay ,laakiin waxaad moodaa inuusan madaxweyne sheikh shariif arintaas ku fashilmay si weyn kadib markii uu uolloleeyey in hogaamiye kooxeedyo dadka iyo dalkaba denbi kagalay uu dib ugu sooceliyo inay kamid noqdaan dowlada cusub, go,aan kaas ayaa waxaa sicad uga muuqata  (Weakness leadership ) ama hogaamin daciif ah oo aan hogaamiye  ku dhiiran Karin go, aanka saxda ah,

Dib usoo celinta hogaamiye kooxeedyada dadka iyo dalkaba danbi kagalay ayuu madaxweynuhu kutilmaamay hadaan dib loosoo celin inay keeni karaan dhibaatooyin waa weyn waa suu hadalka u dhigaye ,arintaas ayaa dadbadani u arkaan hanjabaad cad cad oo markale loo hanjabayo loona caga jugleynayo shacabka Soomaaliyeed, madaxweynuhuna waxaa lagudboonaa inuu go,aankiisii hore ku adkaysto laakiin ayaan daro dib ayuu ugusooceliyey danbiilayaashaas arimo siyaasadaeed oo laxariira inuu kafilayo inay asaga  u codayn doonaan xilka madaxweyna nimada.ee uu utaagan yahay,waxaanse isleeyahay inay shacabka soomnaaliyeed kadhabeeyaan maahmaahdoodii ahayd QORI IYO QAACIIS WAA LAYS LATUURAA , waxaa kaloo laga filayaa xildhibaanada nadiifka ah inay  fariin cadna udiraan madaxweynaha maalinta doorashada iyagoo diidaya inaysan udulqaadanayn in shacabka loo han jabo mardanbe. Waqtigana Soomaaliya aanay ubaah neyn madaxweyne jilicsan.

Soomaalida iyo masuuliyiin badani is weydiinayaan sheikh shariif mayahay hogaamiye adag oo meel dheer wax kafiiriya oo leh aqoon cilmi , ( Academic )kana saari kara marxaladaha adage e Soomaaliya soofood saari kara, su,aashaan jawaabteedu sida dad badan oo aqoon yahanaa qabaan waa MAYA .

Abuukar Cawaale
abukar_aw@yahoo.co.uk

Afeef: SBC Masuul kama ahan ra’yiga uu xambaarsan yahay qoraalkan, waxaana ay u gaar tahay aragtida Qoraaga.