Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtey xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho wuxu kaga hadley arimo ay ka mid yihiin dilkii hogaamiyihii Al-Qaacidada bariga Afrika, banaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, dilkii wasiirkii arimaha gudaha & heshiiskii Kampala.

Dilka Fazul Cabdalla

Sheekh Shariif wuxuu cadeeyey in ciidamada DFKMG ah dileen hogaamiyihii Al-Qaacida Bariga Afrika Fazul Cabdalla, isagoo ku tilmaamtey dilkiisa guul u soo hoyotey bulshada Soomaaliyeed, maadaama sida uu madaxweynuhu sheegay ninkaasi uu mudo dheer ku dhuumaaleysanayey gudaha Soomaaliya, isagoo xaqiijiyey in ninkaasi uu soo galey Soomaaliya sanadkii 1996-kii.

Madaxweynuhu wuxuu daboolka ka qaaday markii ugu horeysay masuuliyada cidii iska laheyd dilkii wasiiro ka tirsanaa xukuumadiisa, wuxuuna carabka ku adkeeyey in uu dilkaasi ka dambeeyey Fazul Cabdalla Maxamed wasiiradaasi oo ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Suleymaan Colaad Roobe, Prof. Cadow, Qamar Aaden Cali, Axmed Waayeel iyo Xubno kale.Sheekh Shariif wuxuu ku tilmaamay ciidamada DFKMG Soomaaliya kuwa qaba tababaro ay ku soo qaateen gudaha & dibada, waxaana uu xusey in ninkaasi ay dileen Fazul Cabdalla ay dawlada Mareykanka ku doonaysay madaxiisa 5 milyan oo doolar, wuxuuna mahadcelin u jeediyey wadamada gacanta ka geystey tababarka ciidamada Dawlada KMG sida Itoobiya, Jibuuti & Suudaan, waxaana uu ugu baaqay dalalka Yurub sida Jarmalka & Faransiiska inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidamada DFKMG.

Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla & DNA Mareynaku qaaday

Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxaafada u soo bandhigey documintiyo kala helay baabuurkii lagu diley Fazul Cabdalla oo ay ka mid ahaayeen maasaboor, Sawiro, Kaartooyin dagaal oo uu u jeexay dagaalada Muqdihso, qoraalo sida tacsi uu u direy Cusaama Bin ladin & waliba kuwa kale, waxaana uu sheegay in ninkaasi oo ay dileen ciidamada DFKMG lagu xaqiijiyey baaritaano ay kala kaashadeen Mareykanka oo laga qaaday dheecanka hido sidaha DNA-ga, taasi oo lagu xaqiijiyey in uu yahay Fazul Cabdalla ninka la diley.

Heshiiskii Kampala & qodobadii ka soo baxay

Madaxweynaha DFKMG wuxuu ka haldey markii ugu horeysay heshiiskii Kampala ee ay qalinka ku duugeen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamanka wuxuu ku tilmaamay heshiiskaasi mid ujeedkiisu ahaa in xal looga gaaro ismari waa iyo qilaaf ku dhexjirey hay’ada dawlada, wuxuu sheegay in Baarlamanka xubno ka tirsan oo uusan carabaabin ay sheegeen in ay jirto caqabad taagan oo ah inaanay wada shaqeyn karin  Baarlamanka iyo Xukuumadda

“Ra’isalwasaaraha wuxuu ku qancay inuu istiqaalad gudbiyo, waan garan karaa xaalada iyo xanuunka ay leedahay in Ra’iisul wasaaraha is casilo, aniga soo magacaabay markii hore, xaalada lagu ansixiyay waa garan kartiin xildhibaano cod ayay siiyeen, gudoomiyaha wuxuu ku lahaa door ku lahaa tirada lagu ansixyay tirada 251 ayadoo sharci ah, Ra’isallwasaaraha iyo Xukuumadiisa intii ay shaqeynayeen wax qabad fiican ayay la yimaadeen, waana ku amaanaynaa in xukuumada guulo fiican ay gaarto”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in heshiiskaasi la horgeyn doono golaha Baarlamanka ayna go’aan ka gaari doonaan, lana sugo wixii ka soo baxa fadhiga Baarlamanka.

Dibaxbaxyada ka dhanka ah Heshiiskii Kampala

Madaxweyne Shariif wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in heshiiskii Kampala markii lagu dhawaaqay in ay ka dhasheen banaanbaxyo wuxuu ku tilmaamay banaanbaxyadaasi kuwa la soo abaabulay oo dad lacag ku bixiyeen, inkastoo aanu carabaabin dadkaasi, hadana wuxuu ka digay in banaanbaxyadaasi sii socdaan isagoo sheegay inaan la aqbali doonin in dad gaar ah danahooda fushadaan.

Qaarijinta wasiirka arimaha Gudaha

Sheekh Shariif shirkiisa Jaraa’id waxaa kale oo uu kaga hadley dilkii wasiirii arimaha gudaha & amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax isagoo ku macneeyey dilkaasi inay ka dambeysay gacan khiyaano, waxaana uu xusey in uu uga tacsiyeynayo dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa & ehelkiisa.

Axmed Aar
SBC News Desk