Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal u muuqday jawaab wuxuu saxaafada u mariyey Ra’isalwasaarihisii hore Maxamed C/laahi Farmaajo oo isaguna dhawaan khudbad uu jeediyey si ba’an ugu weeraray siyaasada madaxda sar sar ee dawlada xili uu ku dhawaaqayey urur siyaasi ah.

Hadalka Farmaajo oo u muuqanayey in uu si weyn ugu durayo Madaxweyne Sheekh Shariif & Ra’isalwasaarihiisa Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa waxaa ka hadley eedeymaha iyo gulufka damac siyaasadee ee Farmaajo Sheekh Shariif oo hadalo inta badan aan looga baran ku hadley kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen weerar toos ah oo uu ku qaaday Maxamed C/laahi Farmaayo oo mudooyinkii ugu dambeeyey siyaasad qalbiga ka jeclaadeen Soomaali badan masraxda la soo fuulay, laakiin dhaliilo badan loo jeediyey isaga qudhiisa.

Hadaba Sheekh Shariif oo ka dabaaqtamaya hadaladii Farmaayo ayaa afka furtey waxaana uu ku tilmaamay Farmaajo nin isago uu magacaabay oo aanay cid kale u keenin ka dib markii uu wareystey intii aanu xilka u magacaabin.

“Waxaan rabaa inaan arinta Farmaajo wax yar ka iraahdo maxaa yeelay waxaad moodaa in Soomaalidu arimaha qaar waa shakhsiyadeeyaan, horta Farnmaajo ma aqaanin anaa keenay runtaan rabnaa inaan isku sheegno, Farmaajo dalka markuu imaanayey xoolo wadan, Istraatiijiyadna ma wadan ciidanna ma wadan dhaqaalanna ma sidan, waxoo dhan waa lala qorsheeyey waa lala diyaariyey, waa lala shaqeynaayey khilaaf waxaa dhashay xukuumadii iyo Baarlamaankii waan xalin waynay, waa qiyaar galinay Farmaajo waxaan dhahnay halkaasi ayay taagan tahay bahasho hadaad jeceshay inaad tanaasusho oo doonayso in dawladii Soomaaliyeed sii socoto waa wax raganimo leh hadaadan ku qanacsaneynna xal kalaan ka fakareynaa wuxuu yiri waan ku qanacsanahay saasuu ku tagey”. ayuu yiri Sheekh Shariif oo sharaxay wixii dhacay.

“Ninka raggaa waxaa la rabaa markuu uu joogo oo codkiisa u furan yahay in yiraa waxaan waan ku qanacsanahay iyo kuma qanacsani, Soomaalidana waxaa laga rabaa war ugu yaraan dawladii ayaan madax u nahay oon mataleynaa dadka waxaan u bandhigaynaa wixii xal noqon kara ma ahan nin jaceyl inaan ka fakarayno ee waxaan ka fakaraynaa maxaa wax ku socon karaan hadana dawlad way socotaa, ma waxaa fiicnaan laheyd dawladu khilaafkaasi inay u burburto mise waxaa fiicnaan laheyd inay wax sii socdaan halka sano waxaan ugu dhegnay sababta aan ugu dhegnay Istraatijiyo ayay aheyd, Istaraatijiyadeedu waxay aheyd mid amni iyo mid siyaasadeed waxaan arkay fursad inay jirto dalka looga xoreyn karo Al-Shabaab, waxaan arkay in loo baahan yahay fursad lagu diyaariyo xiliga kala guurka waana muuqataa hada, qof kasta oo Soomaali ah oo caqli lehna in loo baahnaa waa uu garan karaa” ayuu hadalkisia sii raaciyey Sheekh Shariif.

“Farmaajo qabiilku iima keenin hadaa xitaa u maleynaysiin in saaxiibo ii keeneen xataa saaxiibo iima keenin kaliya waxaan ka fiiriyey waan la sheekaystey, nin walbaa waxaan la sameynaayey Interveiw (Wareysi) waa i qanciyey waana la shaqeeyey gacanna waan siiyey” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Halkan ka dhageyso hadalka Sheekh Shariif

Axmed Aar
SBC Muqdisho