Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa shaaca ka qaaday inay been tahay inay ruux haweeney ah u adeegsadeen dilka wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Soomaaliya  C/shakuur Sheekh Xasan Faarax (Link-ga Hoose ka dhageyso shirka Jaraa’id ee Sh. Cali Dheere).

Halkan ka dhageyso shirka Jaraa\’id ee afhayeenka Al-Shabaab

Sheekh Cali Dheere ayaa ayaa sheegay inay sariirtiisa ugu rakibeen qalabka dilay wasiirka  ayna howlgalku iyagu si toos ah u fuliyeen, islamarkaana aysan u adeegsan Haweenay.Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay  inaysan dilkaas haweeney u adeegsan taasna ay been tahay.  

“Waxaa noo suuragashay inaan wasiirkii arrimaha gudaha ee Dowladda KMG ah ugu xirno sariirtiisa qalabkii dili lahaa” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in wasiirku uu ahaa wax uu ugu yeeray  caqabadda keliya ee hortaagan Al-Shabaab.Cali Dheere wuxuu sheegay in dariiqa uu maray wasiirka ay xubnaha kale ee dowladda sugayso, isagoo xusay in taangiyada AMSIOM aysan geerida ka difaaci karin, balse ay kula talinayaan inta aysan geeridu haleelin inay ka soo laabtaan falka ay ku jiraan.

“Taangiyada AMISOM geerida idinkama celin karaan, inta Mowdku idin haleelin waxaan leenahay ka soo laabta falalka aad ku jirtaan” ayuu yri Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ku faanay inay awoodaan inay qaadaan howlgalo kale. 

 Dhanka kale Al-shabaab ayaa horay u dilay Wasiiro  ka tirsanaa xukuumaddii Cumar C/rashiid kuwaasoo magacyadooda ay kala ahaayeen Col. Cumar Xaashi Aadan oo bishii Abriil 2009 lagu dilay Baladweyne, Qamar Aadan Cali, Ibraahim Xasan Caddow, Axmed C/llaahi Waayeel iyo Suleymaan Colaad Rooble oo iyagana lagu dilay qarax ka dahcay Hotel Shaamow 03-dii – Diseembar – 2009-kii .

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088