Tripoli:- Seyful Islaami Al-qadaafi oo ah wiil kamid caruurta uu dhalay Madaxweynaha dalka Libya Mucammar Al-qadaafi oo u waramayey telvison-ka qaranka dalka Franasiiska ayaa sheegay in dalalka reer galbeedku ay ku fashilmi doonaan ololaha milatari ay ku doonayaan in ay xilka uga tuuraan madaxweyne Qadaafi.

 

Seyful Islaam ayaa u gudbiyey TVga koowaad ee dalka Faraniiska in aabihiis uusan ku talo jirin in uu dalka dibadda uga baxo, si loo soo afjaro weerarka uga imanaya dowladaha reer galbeedka oo kaashanaya mucaaradka dalka Libya ee diidan maalulka madaxweyne Qadaafi ee haya talada dalka Libya inkabadan afartan sano.

Mar wax laga wedyiiyey Seyful Islaam in uu fariin u dirayo madaxweynah faransiiska oo kamid ah awoodda ka dambeysa faragelinta reer galbeedka dalka Libya ayaa yiri ” haddii aad ka xanaaqsan tahay madaxweyne Zarkosi in aan kaa gadan weynay diyaarada dagaalka ee nooca loo yaqaan Rafaal, waxaa kuu wanaagsan in waahadal nala gasho”.

Seyful Islaam waxa uu sii raaciyey hadalkiisa ” haddii aad noogu careysan tahay sababa la xiriira shidaalka waa inaad wadahadal nala gashaa, mucaaradku wax ay ku siin karaan malaha iyaguna dagaalku waa ay ku jabi doonaan”.

Sidoo kale Wiilka Qadaafi waxa uu sheegay in dowladda Libya, ay diyaar u tahay doorashooyin, xabad joojin, sameynta dustuur cusub balse mucaaradku in aysan doonayn talabadaas, islamrkaana reer galbeedku ay codsanayaan in Aabihiis xilka ka dego , mana is dhiibi doono waxana uu u dagaalami doonaa dalkiieena ayuu raaciye..

 

Ustaad C/Xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring