Seychelles oo Puntland ku soo wareejisay Maxaabiis Burcad badeed ah+SAWIRO

Sagaal nin oo ah burcad badeed horey ugu xirna Jasiirada Seychelles ayaa Maanta lagu soo wareejiyay Masuuliyiiinta Puntland kuwaasi oo noqonaya wejigii labaad ee burcad badeed lagu keeno Puntland

Wasiirka Dekada iyo Ladagaalanka Burcad badeeda Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha Ladagaalanka Burcad badeeda C/risaaq Duceysane Taliya Ciidanka Aslubta Gen Cali Nuur iyo Masuuliyiin kale ayaa kula wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso

Gen Cali Nuur Taliyaha Ciidkanka Asluubta ayaa waxaa uu kula dardaarmay Maxaabiistan inay si wanaagsan ula dhaqmaan Ciidamada jooga Xabsiga la geyn doono.

Qaar ka mid ah burcad badeeda la keenay ayaan wax ka weydiinay Dareenkooda iyo Sida loola dhaqmi jiray inti ay ku jireen Xabsiyada Seychelles iyaga oo codsaday in laga khafiifiyo Xukunka lagu xukumay, waxaanay dareenkooda ku cabiyeen in ay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu soo laabashada dalkooda hooyo.

Wasiirka Dekada Saciid Maxamed Raage oo Shir Jaraa’id ku qabtay Gudaha Garoonka ayaa waxaa uu kaga hadlay qorshaha soo wareejinta Maxabiistan lagu soo warejiyay Puntland iyo sida ay ka yeelayaan.

Waxaanu faah faahin ka bixiyay heshiiska lagu soo wareejinayo burcad badeedan oo uu sheegay in ay wada sixiixdeen Puntland iyo Seychelles sanadii 2011.

Henry joseph oo ahaa sarkaal qaabilsan soo wareejinya Burcadan ayaa isna ka hadlay kulankan waxaa uu sheegay in dowlada Seychelles ay ku muteystaan Dadkan Maxkamado iyo xabsi iyagoo heshiis kula jira dowlada la dagaalanka burcad badeeda u jooga xeebaha bada india waxaa uu xusay in dowlada Puntland oo taagero ka heleysa hayada UNODC ay isku afgrteen in burcada Xukuman lagu wareejiyo Xabsiyo ku yaala dalalkooda.

Mahan Markii ugu horeysay oo Maxabiis laga keenay Seychelles lagu soo wareejiyo Puntland Maalmaha soo aadan waxaa lagu wadaa in La keeno Tiro kale oo Maxabiis ah  kuwasi oo tirade Maxabiiista ka dhigaya 25 nin.

Sawiro
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10
DSC00951 DSC00953 DSC00955

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII