HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO,

Maamulka Guud ee Warbaahinta Caalamiga ah ee SBC ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah uu hawada u soo galay Television-ka SBC, oo laga daawanayo Dunida Inteeda badan, isagoo fadhigiisu noqonayo Magalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Tv-ga SBC ayaa la asasaay sandkii 2002 isagoo ku shaqeynayay Qaab Cable ah, waxaana la casriyeeyay oo qaab lookal ah loo bedelay sanaddii 2006, isagoo ka howlgalay magalooyinka Bosaso iyo Garowe.

Xiligan oo lagu jiro Ee 15-Bisha June sanadka 2015 ayaa waxa uu Tv-gu si rasmi ah hada u galayaa isago ah heer caalami, aduunka oo dhanna laga daawan karo, Waxaana haatan Aad Ka daawan Kartaan Satellite-ka ay inta badan ku jiraan Tv-yada Soomaalida ee loo yaqaan Thaicom-5,

Hadaba Si’aad U Daawato TV-Ga SBC Dib U Scan Garee Dhaladaada.