DSC02361
Degmada Carmo Waa Deegaan Balaaran oo ka mid ah deegaanada ka tirsan Gobolka bari , waa magaalo mudooyinkii ugu dambeeyay Horumar Balaaran ka sameeysay Dhinacyo badan, sida Balaca oo waqti watiga ka dambeeyaba ay sii balaaraneyso, Dhismayaasha iyo Bilicda oo iyaguna sii kordhaya, waxaa soo raaca gaancsiga iyo isdhexgalka bulshada, Waxayna ka mid tahay Goobaha ay u xagaabaxana Bulshaweynta ku dhaqan magaalada Boosaaso xarunta gobolka.

Carmo Waa Magaalooyinka ay Marto Wadada Dheer ee ka tagta Magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari, iskuna xirta gobolada kale ee dalka Soomaaliya, waxaana ku yaala Akadeymiyada Tababarka Ciidamada.

Waa goob Dadkeedu Soo dhaweyn Wanaagsan yihiin, Is dhexgal iyo wax wada qeybsi badan yihiin, waxaana ku dhaqan Soomaaliweyn meelkasta oo ay ka kala soo jeedo.

Cimilo ahaan waxa ay leedahay Carmo Jawi cimileed aad u wanaagsan, Waa Deegaan aan saameyn Buuxda ku yeelan isbedelka Cimilada ee ka jira magaalo badaxda gobolka Bari ee Boosaaso.

Waxaan Doorkaan Idiin heynaa Sawiro Qurux badan oo ka turjumaya Degmada Carmo, kuwaas oo aan soo qaadnay dhowaan , waxaana idinkaga muuqan doona dhismayaal quruxbadan, guryo iyo meherado ganacsiba isugu jira,

DSC02247 DSC02248 DSC02249 DSC02250 DSC02251 DSC02252 DSC02253 DSC02254 DSC02255  DSC02356 DSC02357 DSC02358 DSC02359 DSC02361 DSC02362 DSC02363 DSC02365 DSC02366 DSC02367 DSC02368 DSC02370 DSC02371 DSC02372

FG: Waxaa Naga Go’an in sawiro badan oo aan ka soo qaadnay deegaamada waaweyn ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya in aan idiin soo gudbinno hadiii alle idmo

KMC
SQ: Maxamed Damdam
SBC International Photo News