Hay’adda warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International ayaa warsaxaafadeed ka soo saartey ka qayb galka shir la sheegay in uu khuseeyo arimaha saxaafada Soomaaliya oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho kaasi hadlayo dhismo urur saxaafadeed.

Afhayeen u hadley warbaahinta SBC International ayaa carabaabey inaanay jirin cid ku matali karta magaca SBC ka qayb galka shirkaasi, iyadoo cidii sheegata magaca SBC ee shirkaasi ka qayb gasha  ay tahay cid is magacowday oo aanay jirin matalaad & ogalaansho ay ka haysato Maamulka SBC.

“Waxaa nagu maqaalo ah in shir laga abaabulayo magaalada Muqdisho kaasi oo ay leeyihiin xubno saxafiyiin ah oo sheegtey inay ka tirsan yihiin ururka saxafiyiinta NUSOJ, hadii aynu nahay maamulka SBC ma jirto cid shirkaasi si cad inoogu martiqaaday oo maamulka ama xarunta SBC soo gaarsiiyey wax casuumad ah, waxaan maqlay in shakhsi sheeganaya SBC si dhabar ka taabasho ah oo aanay la socon maamulka SBC  shirkaasi loogu yeertey si mudgi habeenimo ah, arintaasi waxay nala tahay mid xadgudub ku ah sharafta iyo qaanuunka maamul ee SBC, sidaasi darted ma jiri doonto wax soo dhaweyn & ixtiraam ah oo miraha shirkaasi uu dhalo inaga khuseeya” ayuu yiri afhayeenka SBC u hadley.

“Hadii shir la qabanayo waxaa caadiyan ah in maamulka & xarunta SBC la soo gaarsiiyo casuumada, laakiin in shakhisyaad lagu sheegto inay matalaan magaca SBC ma ahan mid inoo cuntami karta, waxaana ku wargalinayaa saaxiibada shirkaasi abaabulaya in ay hareer mareen nidaamkii iyo masuuliyadii maamul, sidaasi hadii ay tahayna waxaan u aragnaa arin aan wax ka soo qaad laheyn, namala matalo shakhsiga lagu sheegay in SBC ahaan lagu casuumay, waxaana u cadeynaynaa qaban qaabiyeyaasha shirkaasi, dadka ay khuseyso, ururada saxaafada & dhamaan warbaahinta Soomaalida in SBC aysan aqoonsan doonin miraha ka soo baxa shirkaasi, maadama doc faruur & iska indho tir qaawan lagu sameeyey haykalka nidaam ee maamulka SBC” ayuu hadalkiisa sii raaciyey afhayeenka SBC u haldey.

Afhayeenku wuxuu sheegay inaanay SBC khuseyn isqabqabsi & shirar la iska qabto, waxaana uu sheegay in  hadii shirkaasi lagu casuumayo SBC ay aheyd in casuumada la gaarsiiyo maamulka SBC ee xarunta Boosaaso oo, wuxuuna sheegay in SBC aanay laheyn maamulo badan iyo xarumo badan ee ay tahay Boosaaso xarunta SBC isla markaana nidaamka maamul uu yahay mid leh jaranjarooyin kala duwan oo qaybo kala duwan leh kaasi oo qaabilsan nidaamyada hawlmaalmeed ee SBC, wixii intaasi dhaafsiisana ay yihiin kuwa aan jid sax ah ku taagneyn oo aanay SBC sinaba ku aqbali doonin.

“Ragga saaxiibadeena ee shirka wada kuma nihin mucaarid, balse ka qayb galka shirku ma haan mid aan u haysano jiho sax ah maadama aynan hayn ama na soo gaarin wax casuumad ah, sidaasi darteed waxba nagama khuseeyaan shirkaasi & wixii ka soo baxa, cidii uga qayb gasha magaca SBC waa dad ku xadgudubay nidaamka maamul SBC, namana mataalan” ayuu intaasi ku darey afhayeenka SBC u hadley.

“Waxaan uga digaynaa qabanqaabiyeyaasha shirkaasi & cid kasta oo isku dayda inay si qaloocan oo aan xalaal aheyn ugu qaraabtaan magaca SBC , hadii ay taasi dhacdana waxay inoola muuqdaan dad duulaan ku ah sharafta & karaamada SBC” ayuu yiri afhayeenka .

“Hadii aanay aheyn wax la qariyo qurun ayaa ku jira, oo aa lagu dhaqmeyn xalaal barqo cad ayaa la qashaa waxay aheyd in shirka ragga qaban qaabinaya ay casuumada soo gaasriiyey maamulka SBC, kol hadii ay sidaasi dhinac marto xaajudu waxay u muuqanaysaa ujeedo gaar ah & dano shakshi oo laga leeyahay xaaladan, noomana cuntamayso umana dulqaadan doono” ayuu ku nuuxnuuxsadey afhayeenka SBC.

Hadlaka afhayeenka ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay soo baxayaan in shir ka dhacaya magaalada Muqdisho oo arimaha saxaafada khuseeya in shakhsiyaad ku qaraabanaya magaca SBC inay ka qayb galayaan, taasi oo ah mid ay ka digayaan maamulka SBC.

SBC News Desk