Warbaahinta SBC ayaa heshay nuqul ka mid ah ajandayaasha shirka Soomaalida ee la filayo in bisha February ee soo socota uu ka dhaco magaalada Lodnon ee caasimada UK, shirkaasi oo uu goor hore iclaamiyey Ra’isalwasaare David Cameron.

Shirkan ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan dhinacyada arimaha siyaasada Soomaaliya ay khuseyso iyadoo la sheegay inay ka soo qayb gali doonaan Dawlada KM Soomaaliya, maamulada Somaliland, Puntland, Galmudug iyo wakiilo ka socda dhinacyada kale ee siyaasada.

Nuqulka ajandaha shirka ee ay SBC heshay ayaa faahfaahin ka bixinaya ujeeada kulkan, dhinacyada ka soo qayb galaya iyo waliba arimaha lagu faaqidayo.

Nuqulkan oo afingiriis ah link-ga hoose riix.
HALKAN RIIX