Waxaa Goordhaweyd Xoriyadoodii Dib Uhelay Labo Saxafi Oo Ka Shaqeynayay Mid Kamid Ah Xarumaha Warbaahinta Ee Magaaladda Garowe,

Cabdirixmaan Xuseen Xasan (Gaardi) Oo Ahaa Agaasimaha Xarunta Daljir Ee Garowe iyo Wariya Jamaal Faarax Aadan Ayeey Shalay Ciidamadda amaanka Garowe Dhigeen Xabsi Ku yaalla Magaaladda Garowe, Wallow Ay Hadda Xoriyadooddii Dib uheleen.

Siideyntoodda Kadib Lama Cadeyn Sababaha Loo Heystay, iyo Cidda Soo Deysay Toonna Laakiin Dadaal Ay Sameeyeen Bahda Saxafiyiinta ee Garowe iyo ururka MAP Ayaa Loo Maleenayaa in Lagu Siidaayay Labadaan Saxafi.

Mana Aha Markii Ugu Horeysay Oo Xarig Noocaan Ah Ay La Kulmaan Wariyayaal Ka Howlgalla Deegaanadda Puntland, Walow Ay Dowladdu Marar Badan Ku Cel Celiso Iney Dhowrayso Xaquuqda Saxaafadda.

SBC, News.