Saxafiyiinta ka howlgala Gobolka Galgaduud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilkii shalay loogu geystay Magaalada Muqdisho Agaasimihii Idaacada Shabeele Xasan Fantaastic

Wariye yaasha gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid siweyn looga naxo islamarkaana ay dhibaatadaasi tahay mid heysata saxafiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ku soo laalaabatay.

Waxay sidoo kale sheegeen saxafiyiinta Soomaaliyeed in si alaale sidii dil loogu geysto saxafiyiinta aysan ka hari doonin howsha ay u hayaan umadooda ayna sii wadi doonaan .

Sidoo kale waxay tacsi u direen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday agaasimihii Shabeele Alaha u naxariistee Xasan Fantaastic iyagoona alle uga baryay in uu janadiisii fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa arinkani ku tilmaamay mid siweyn looga xumaado iyagoona sheegay in ay tahay argagax iyo waxyaabo lala damacsanyahay saxaafada Soomaaliya balse ay taasi suurto gali doonin.

Saxafiyiinta Deegaanada Puntland gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International ee ka howlgala Gobolada Puntland iyo qeybaha kala ee dalka ayaa tacsi ka diray falkan dilka ah ee loo geystay Agaasimaha Warbaahinta Shabeele iyagoona sheegay in ay siweyn uga xunyihiin kuna baaqayaan in gacanta lagu soo dhigo cidii ka dambeysay.

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.