Wariyihii 4aad ayaa maanta ku geeriyooday gudaha Magaalada Muqdisho 24saac gudahood ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon heybtooda islamarkaana ku hubeysan Hubka fudud ay toogasho ugu geysteen gudaha magaaladaasi barqo nimadii maanta.
Alaha u naxariistee Xasan yuusuf Absuge oo ka mid ahaa Idaacada Maanta ee ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa kooxahani hubeysan ku toogteen goob ku dhow idaacada uu ka shaqeynayay iyagoo islamarkiina baxdaday .
Waxa uu ku soo aadayaa dilka wariyahani xili maanta lagu aasayo gudaha Magaalada Muqdisho wariyeyaal 3 ah oo ku geeriy0oday qaraxii xalay ka dhacay goob lagu shaaho oo ku dhow guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Falalka lagu beegsanayo wariye yaasha ayaa noqday kuwo soo laalaabta waxaana taasi cambaareeyay masuuliyiinta sar sare ee Dowlada Soomaaliya, sida Madaxweynaha Dalka Xasan Sheeq Raiisul wasaaraha xilkiisu dhamaaday C/wali gaas, Ururada u dooda saxafiyiinta Soomaalida, iyo shaqsiyaad kale.
Sanadkan gudihiisa waxaa lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho tiro saxafiyiin ka badan 10 oo geeriyooday iyagoo ku guda jira howlahooda shaqo
Daalacatey :469