Cambaareyn kulul ayaa laga soo saaray dilka wariye u shaqeynayay Universal Tv oo habeen nimadii xalay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ku dileen magaalada Laasacaanood xarunta gobolka Sool.

Ururada Saxaafada Soomaalida ayaa cabmaareeyay Dilka loogeystay alaha u naxariistee Axmed Faarax Ilyaas, iyagoona sheegay in uu yahay dilkaasi mid arxan daro ah islamarkaana loobaahanyahay in la baaro dadkii ka dambeeyay sharcigana la horkeeno.

Wariye yaasha ka howlgala Gobolka Sool ayaa walaac ka muujiyay falkan loogeystay wariye Axmed Faarax iyagoona sheegay in ay aad uga nexe ayna tahy mid xad gudub bin aadan nimo ah .

Sanadkan gudihiisa gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay falal aad  u badan oo dil iyo dhaawacba loogu geystay wariye yaal 20tameeyo kor u dhaafaya .