Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayey ku cabaareyeen dilkii loo gaystay wariye Cabdi Salaan Shekh xasan Xiis .

Kulanka ayaa waxaa marti galisay warbaahinta SBC International waxaana kasoo qaybgalay dhamaan wariyaasha ka hawlga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxyna dhamaan saxafiyiintu si isku mid ah u cabaareeyeen dilka loo gaysatay wariye Cabdi Salaan Xiis oo uu laba maalin ka hor dilay nin ku labisan dareeska ciidamada Dawlada KMG Somalia ,

Ugu horayn waxaa kulanka kahadlay Axmad Maxamuud Shaam oo ah wakiilka TV-ga Horn Cable  Gobolka Bari  wuxuuna Axmad Shaam ku dheeraaday aqoonta uu ulahaa alle ha u Raxmatee wariye Cabdi Salaan Xiis oo uu sheegay in uu mudo badan meel kawada shaqeynayeen, tilmaamayna inuu ahaa shaqsi bulshada Somaliyeed u adeegi jiray wuxuuna Dawlada KMG Somalia ka dalbaday in ay soo qabato gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Maxamad Deeq Cabdalla agaasimaha SBC International oo isna madasha ka hadlay ayaa dhamaan bahda saxaafada Soomaaliyeed tacsi uga diray geeridi ku timi wariye Cabdi Salaan xiis wuxuuna sheegay in dadka ka danbeeya dilalka loo gaysanayo saxafiyiinta ay yihiin kuwo doonaya in ay Bulshada indhaha qabtaan .

Sidookale Cisamaan Saaxl Ismaaciil oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlga warbaahinta SBC  isla markaana ku sugnaa madasha ayaa isna cabaareeyay dilkaasi uguna baaqay wasaarad warfaafinta Dawlada KMG ah iyo laamaha amaanka in ay soo qabtaan dadkii dilkaasi ka danbeeyay sheegyna in wasaarada warfaafinta looga baahan yahay in ay gudato doorkeeda kaga aadan warbaahinta somalia

Saxafiyiinta kulankan isugu yimid oo aad u tiro badnaa ayaa uu dareenkoodu ahaa mid xanbaarasan murugo kana damqanayey dilka loogaysatay walaalkood Cabdi salaan Shekh Xasan Xiis, iyagoona rag iyo duma ka sinnaa cambaareynta iyo sida ay uga xun yihiin.

Kulanka ay maanta isugu yimaadeen warbaahinta gobolka baro ayaa imanaya kadib markii laba maalin ka hor muqdisho lagu dilay wariye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis.

DAAWO SAWIRADA




Axmed Shaam Wakiilka Horn Cable Tv Boosaaso

Maxamed Deeq Cabdalla Agaasimaha Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC.


C/naasir Siciid Wakiilka Tv-ga Somali Set Boosaaso.

Maxamed Maxamuud Welcome (Daljir Radio)

Aamino Ladan Axmad Cali (Daljir Radio)

Cismaan Saalax Ismaaciil (SBC Intenational)

Xuseen Xuska (One National Radio)

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Boosaaso