Xafladan oo lagu qabtay Boosaaso ayaa ahayd wareejinta Lacag dhan 20-kun oo Dollar oo ay Shirkada Xawaalada Amal ay ugu talagashay taakuleynta Soomaalida iyo Dadka kale ee ka imaanaya Dalka Yemen oo ay ka jiraan Colaado.

Xaflada Wareejinta Lacagtan waxaa Goobjoog ka ahaa Culimada Puntland Maamulka minhaaj Gudiga Gurmadka iyo Masuuliyiinta Shirkada Lacagtan wareejineysay ee Amal waxaana ay dhamaantood isla Qireen inay tahay Talaabo muhiim ah oo ku dayasha Mudan in Lacag Kaasha ah lagu deeqo

ugu horeyn waxaa ka hadlay Madasha Proff Sicid Cali Shire Gudoomiyaha Shirkada Amal ee Soomaaliya kana hadlay ujeedka ay kulankan.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi iyo Sheekh Maxamed Macalin Axmed ayaa dhankooda ka hadlay Xaflada ay shirkada Amal ku wareejineysay Lacagtan deeqda ah iyaga oo ka mahadceliyay una duceeyay Shirkada iyo Mulkiilayasheeda.

Ugu danbeyntiisa waxaa Lacagtan la kala wareegay Shirkada Amal Masuuliyiinteeda Mu’asasada Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta iyo Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yemen ka imaanaya ee Soo gaaraya Magaalada Boosaaso Iyadoona la filyo in lacagtan ay qeyb ka noqon doonto Ambabaxinta Dadka Imaanaya ee Cusub.

Daawo sawiradda:

IMG_7405 IMG_7408 IMG_7409 IMG_7410 IMG_7411 IMG_7412 IMG_7413 IMG_7415 IMG_7416 IMG_7418 IMG_7428 IMG_7429 IMG_7430 IMG_7431 IMG_7434 IMG_7435 IMG_7439 IMG_7441 IMG_7443 IMG_7444 IMG_7445 IMG_7446 IMG_7447 IMG_7448 IMG_7449 IMG_7450 IMG_7451 IMG_7452 IMG_7453 IMG_7454 IMG_7455 IMG_7456 IMG_7457 IMG_7458