Shirkadda Ganacsiga Ee Barwaaqo Ayaa Bixisay Deeq Lacageed Oo Ay Ugu Talagaleen Qaxootiga Yemen.

Kulan Ujeedkisu yahay Wareejinta Lacag Deeq ah oo ay shirkada Shamiitada ee Barwaaqo ugu talagashay Taakulada iyo Ambabaxinta Muwaadininta Soomaaliyeed ee ka soo noqonaya Dalka Colaadu ay aafeeyeen ee Yemen ayaa lagu Qabtay Xarunta Ururka Dacwada iyo Horumarinta ee Minhaaj iyadoo ay goob Joog ka yihiin Masuuliyiinta Shirkada Barwaaqo Culimada waaweyn ee Puntland Masuuliyiinta Ururka Minhaaj iyo Gudiga Gurmadka Dadka Qaxootiga Yemen ka imaanaya.

Ugu horeyn waxaa Kulankan ka hadlay Cali Jaamac Cali Food oo Ku Hadlayay Magaca Shirkada Deeqdan Lacageed ee dhan 40,000 oo dolar wareejineysay isaga oo xusay in Lacagtan ay Bixinayaan Ay tahay tii ugu horeysay balse ay qorsheynayaan Lacago iyo Taakulo intan ka badan inay Bixiyaan Isaga oo xusay inay Muhiim tahay gurmadka loo sameynayo Dadkan Soo Qaxaya.

Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ku Hadlayay Magaca Culimada Ayaa Geestiisa waxaa uu ka mahaceliyay Deeqdan ay Shirkada Barwaaqo Bixisay Waxaana uu Baaq si Gaar ah ugu diray Dowlada Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Gudomiyaha Minhaaj Maxamed C/laahi iyo Sheekh Axmed Yuusuf Daad Gudomiyaha Gudiga Gurmadka ee Shacabka Ayaa dhankooda iyana Amaanay Doorka Shirkadan ay Lacagta Kaashka ah ugu wareejisay Mu’asasada Iyadoo lagu Anbabaxin Doono Dadka la socda Doonyaha Imaanaya ee keenaya Dadka Ka soo cararaya Colaada Yemen

Ugu Danbeyntii Masuuliyiinta Shirkada Shamiitada Barwaaqo ayaa Lacagta Ku wareejiyay Culimada iyo Minhaaj waxaana ka dib lagu wareejiyay Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yemen.

Daawo sawiradda:

IMG_7272 IMG_7275 IMG_7284 IMG_7285 IMG_7286 IMG_7288 IMG_7289 IMG_7290 IMG_7291 IMG_7292 IMG_7295 IMG_7296 IMG_7298 IMG_7299 IMG_7300 IMG_7302 IMG_7303 IMG_7304 IMG_7307 IMG_7309 IMG_7311 IMG_7315 IMG_7319 IMG_7320 IMG_7321 IMG_7322 IMG_7323 IMG_7324 IMG_7325 IMG_7327 IMG_7328 IMG_7329 IMG_7331 IMG_7332 IMG_7333 IMG_7334 IMG_7335 IMG_7336 IMG_7337 IMG_7338 IMG_7342 IMG_7351 IMG_7356 IMG_7362 IMG_7363 IMG_7376 IMG_7386 IMG_7387 IMG_7389 IMG_7390 IMG_7391 IMG_7392 IMG_7393 IMG_7394 IMG_7395 IMG_7396 IMG_7398 IMG_7399