Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas, kadib xafladda caleema saarka oo ka dhacday fagaare ku yaal magaalada Abuja, halkaasoo kumanaan ruux iyo madax ka socota Afrika ay goob joog ka ahaayeen.

Goodluck Jonathan Ayaa Xilka Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyay Madaxweyne Buhari Oo uu doorashada kaga guuleystay , kaasoo ku sugnaa madasha lagu dhaarinayay.

Waxaa Uu Goobtaasi Ka sheegay inuu dagaal la geli doono oo uu madaxa goyn doono Boko Haram, sidoo kale waxaa uu xusay inuu la dagaalami doono musuq maasuqa.

Mohamadu Buhari ayaa ahaa Hogaamiyihii Milateriga ee sanadihii 1984, isagoo xiligaas lagu xusuustay xukunkiisa adkaa, waa nin muslim ah oo ka soo jeeda waqooyiga Nigeria oo ah halka Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin.

Waa markii u horeysay ee Madaxweyne ka yimid Mucaaradka xafiiska la wareega, markii uu ku guuleystay, taariikhda ma aysan dhicin ilaa sanadkii 1960 oo ay Nigeria qaadatay xornimada.

DAAWO SAWIRADDA:

AppleMark

buhari-6

Nigeria Soldiers parade during the inauguration of the new Nigerian President, Muhammadu Buhari, in Abuja , Nigeria, Friday, May 29, 2015. Nigerians celebrated their newly reinforced democracy Friday, dancing and singing songs and praises at the inauguration of Muhammadu Buhari, the first candidate to beat a sitting president at the polls. (AP Photo/Sunday Alamba)