Madaxweyenaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Bosaso ,waxaana Banaanka hore kusoo dhaweeyey Masuuliyiinta gobolka iyo kan degmada ,haweenka ,Odaayaal,iyo Dhalinyaro.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay Madaxtooyada Bosaso Halkaas Ayuunna Kula Hadlay Warbaahinta.

Madaxweynaha inta Uusan Soo Galin Magaaladda ayaa waxaa Uu Maanta deegaanka ceel-daahir ee Gobolka Barri ka dhagax dhigay wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo oo ay dawladda iyo shacabka reer Puntland iska kaashanayaan dhismaheeda.

Xafladda dhagaxdhiga ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, gudiga wadada ceel-daahir-Ceerigaabo, waxgarad, cuqaal, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha ee deegaankaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay furitaanka mashruuca ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah loo bilaabayo dhismaha wadadaan oo muhiim u ah dadka reer Puntland, laguna fulinayo hal kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

” Waxaan runtii aad ugu taamaynaa uguna dadaalaynaa in mashruuca aanu ku dhisayno wadadaan uu hirgalo , waan awoodnaa inaanu dhisno Puntland waa ay isku tashatay , waxa ay reer Puntland u kacaana waa ay fuliyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumada uu hogaaminayo muhiimad gaar ah siinayso dhismaha kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha Puntland si dalku uu u hormaro, meelkastana loo gaarsiiyo adeega dawladda si siman oo cadaalad ah .

” Puntland wixii ay iyadu qabsan karto iyadaa qabsanaysa , wixii awoodeedana kabaxsana Ilaahay iyo cidii kale ee ay la kaashan karto ama ha noqdeen maalgeliyayaal ajnabi ah amaba dawlado , geed dheer iyo mid gaabanba waxaan u fuulaynaa horumarka Puntland. ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Hoos ka dhageyso codka Gaas:

DAAWO SAWIRADDA:

IMG_7563-450x300     IMG_3616 IMG_3617 IMG_3623 IMG_3635 IMG_3638 IMG_3640 IMG_3642 IMG_3645 IMG_3649 IMG_3663 IMG_3667 IMG_3670 IMG_3675 IMG_3678 IMG_3680 IMG_3683 IMG_3718 IMG_3720 IMG_3724 IMG_3739 IMG_3746 IMG_3755IMG_7596-450x300IMG_7591-450x300IMG_7609-450x300IMG_7611-450x300