Magaalada Rotterdam ee dalka Holland waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayey sida looga hortegi karo in dhalinyarada Soomaalida ah ay ku lug yeeshaan xagjirnimadda & saameynta ay arrintaasi ay ku yeelan karto mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland.

Kulankan waxaa soo qabanqaabiyey Sahro Gama’diid oo madax ka ah ururka DUGSI & Magan Daahir oo ka mid ah bahda Isboortiga, waxaanna lagu casuumay Ururo, Hay’ado, Suxufiyiin & qaar ka mid ah hormuudka Jaaliyadaha Soomaalida.

Magan Daahir oo faahfaahinayey ujeeddada ka dambeysa qabsoomida kulankan, wuxuu xusay in looga gol-leeyahay Soomaalidu in dhexdooda is-wacyigeliso, si mustaqbalka haddii ay dhibaato timaado ay kaga hortagaan iyaga oo isku duuban.

Magan wuxuu ka qeybgalayaasha kulanka hor-dhigay 2 su’aalood oo isaga muhiim ugu muuqanayey; kuwaas oo kala ahaa:

1) Siddee looga hortegi karaa in dhalinyarada Soomaalida ah ka qeybqaataan ama ku lug yeeshaan falal argagixisnimo.?

2) Siddee loola shaqeyn karaa hay’adaha ammaanka gaar ahaan booliska.?

Cali yaxye oo ka mid ah aqoonyahanada ugu magaca weyn Jaaliyadaha Soomaalida Holland, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu u arkayo tillaabo wanaagsan oo dhanka horumarka loo qaaday in dad Soomaalid ah oo aqoon la bidayo ay isu yimaadaan, kana doodaan mowduuc xasaasi ah, un baahan in si qoto-dheer loo dhiraan dhiiriyo.

Cali yaxye wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu soo dhoweynayo in la taxadaro, haddana wuxuu sheegay in mowduuca argagixisada uu noqday wax laga bad-badinayo, Soomaalidiina lagu shaabadeyno wax dhibaato u keeni kara, isaga oo soo jeediyey inay jiraan dhibaatooyin argagixisada ka mudan in  mudnaanta 1-aad la siiyo.

“Kama soo horjeedo in la taxadaro, laakiin waxaan qabaa in Soomaalida aan lagu shaabadeyn wax aysan aheyn; waxaa muhiim ah in dhinac kasta ay innaga saameyn karto arrintan” Ayuu yiri Cali Yaxye, wuxuu soo qaatay in argagixisadu noqotay xilligan odax adduunka oo dhan ku taagan.

Tifaftiraha war-sidaha Waagacusub Daahir Cabdulle Calasow oo ka mid ahaa dadka kulanka lagu casuumay ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyey wuxuu ku nuuxnuuxsaday in la soo sheego kuwa looga shakiyo in ay dhanka argagagixisada u sii durkayaan, isaga oo intaa ku daray in marka hore qofka haddii isbeddel lagu arko laga waaniyo inuu isaga haro waxa uu ku jiro, hadduu diidana booliska lagu soo wargeliyo.

“Argagixisada sida aan hadda ugu tashaneyno ayeey iyaguna inoogu tashanayaan” Ayuu yiri Daahir Calasow, wuxuu intaa ku daray in dabagalka & la dagaalanka argagixisada uu billaabay sannadkii 2002 ilaa haatanna uu ku guda jiro.

“Waxaan soo jeedinayaa Soomaalidu in aydnaan ka xishoon inaad la shaqeeysaan Hay’adaha Ammaanka, kuna soo wargelisaan cid kasta oo aad kaga shakisan in ay maleegeyso falal argagixisnimo; haddaad soo wargeliso Hay’adaha Ammaanka waxaa laguu aqoonsanayaa inaad tahay geesi badbaadiyey dad dhiman lahaa” Ayuu yiri Daahir Calasow, wuxuuna soo jeediyey in qofka la shaqeeyo hay’adaha ammaanka & kuwa sirdoonka aan loo arkin wax kale, balse loo aqoonsado mid dariiqa saxda ah haya.

Shukri Said & Shamso Said oo ka mid ah gabdhaha Soomaalida Holland ugu firfircoon; ayaa fikrado isku dhow  muujiyey.

Shamso waxeey kulanka ka sheegtay in ay la qabto Cali yaxye dareenka uu ka muujinayo in Soomaalida aan lagu shaabadeyn argagixisnimada, haddana dhanka kale waxeey tilmaantay in inta badan dhalinyarada adduunka ka geysanaya falalkaasi ay yihiin kuwa ka tegay qurbaha, waxaanna ay tiri: taas ayaan feejignaanta inna gelineysa.

“Bulsho yar ayaan nahay waxyaabaha hareeraheena ka dhacaya saameyn xoogan ayeey nagu yeelanayaan taasna ma ahan mid la iska indha-tiri karo. Muqdisho ayaan joogay markii qaraxu ka dhacayey Hotel Central. Waxaa ku dhaawacmay dad qaraabadeyda ah, waxaanna iri: mar dambe Soomaaliya uma soo laabanayo, haddana waxaan garowsaday in qof kasta oo waxgarad Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu qeybtiisa ka qaato ka hortaga & tirtirida argagixisada” Ayeey tiri

Shamso Said, waxeyna intaa ku dartay in dadka qaraxyada fulinaya ay u badan yihiin kuwa qurbaha ka tegay, sababtana waxeey ku sheegtay caruurta Soomaaliya ku dhaqan oo ah kuwa ay adag tahay si looga marin habaabiyo maadaama bii’ada ay ku nool yihiin ay tahay mid Islaami ah, balse kuwa qurbaha ku koray ayeey sheegtay in ay fududahay sida loo marin habaabiyo.

Maxamed Cusmaan (Guurre) oo ah Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN, dhiniciisa wuxuu soo jeediyey in wada-shaqeynta Soomaalida dhexdeeda ay tahay xalka ugu wanaagsan oo lagaga hortegi karo qaladaad kasta oo bulshada ka dhex dhaca sax & qalad intaba; isaga oo xusay in dhibaato uu muwaadin Soomaali ah geysto ay saameyn karto dhammaan mushtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland oo tiradhooda ku badan tahay 30 kun.

Guurre wuxuu ku nuuxnuuxsday in argagixis-nimadu xilligan ay noqotay dhibaato caalami ah, oo aan dal & shaqsi loo nisbeyn kareyn, cid kastana ay waajib ku tahay in ay gacan ka geysato sidii loo tirtiri lahaa xusuuq wadareedka ay geysanayaan qolyaha argagixisada ah.

Guurre wuxuu kula taliyey Hay’adaha Ammaanka in ay fursado shaqo abuuraan dadka ajnabiga ah ee la oran karo waxey talo & tusaale ku yeelan karaan sidii arrinta argagixisada loo cirib tiri lahaa.

“Haddaan rabno inaan dhalinyaradeena ka badbaadino xagjirnimada waxaan ku qasbanahay inaan dalkan jecleysiino, ayna caruurteenu isu arkaan in ay yihiin muwaadiniin dalkooda difaacaya, haddana dhinaca kale, caruurteenu waa in ay xaq u yeeshaan in shaqooyinka ciidamada marka ay doontaan aan la takoorin” Ayuu yiri Guurre, wuxuuna soo qaatay dhacdo ku saabsan Gabar u dhalatay dalka Marrooko oo markii ay dalbatay shaqada Ciidamada Ammaanka Holland lagu riixay diinteeda.

“Arintaas ma run baa.? Haddii ey run tahay siddeen wiilkeyga u oran karaa dalkaan waa dalkaaga ee u hur naftaada.? sow wiilkeyga iskama dhaadhicin karo dedaal kasta oo uu sameeyo inuu lagu cunsuriyeynayo diintiisa” Ayuu weydiiyey Guurre xubnihii ka socday Booliska.

Guurre su’aasha uu soo jeediyey waxaa jawaabteeda qaatay (Maxamed) oo ahaa mid ka mid ah 2-da askari ee kulanka lagu casuumay, una dhashay dalka Morrooko, wuxuuna sheegay Maxamed in xilliga hadda la joogo la oggol yahay in Hay’adaha Ammaanka Holland, gaar ahaan Booliska dadka ka shaqeynaya 25% in ay noqdaan dadka ka soo jeeda labbo dhaqan.

Kulanka waxaa dadka ka soo qeybgalay ka mid ahaa da’yar Soomaali ah oo askartii ka socotay Booliska si aan leex-leexad laheyn u weydiiyey in marka hore la isweydiiyo waxa sababa xagjirinimada, waxaanna mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo su’aashii isaga ka jawaabayey uu yiri:

“Annaga oo Al-Qaacida waxa ay sameyneyso ka soo horjeedna, haddana marna ma ogolaan karno in wax laga sheego Diinteenna & Nabigeenna Muxammad NNKH-ahaatee, ixsaaska muslimiinta inuu kaco waxaa keenaya kuwa sawirada been abuurka ah ka sameynaya Rasuulkeena Muxumad CSW; waxaa la idinka doonayaa inaad kuwaas meel saartaan, oo aad tiraahdaan joojiya waxa kicinaya muslimiinta; qofka muslimka qaaliska ah lagama maro Nebi Muxummad NNKH-ahaatee xagiisa” Ayuu yiri C/raxmaan oo ku hadlayey magaca dhalinyarada Rotterdam.

Shamso Cabdulle (Butubeey) oo ka mid ah haweenkii kulanka ka hadlay  waxeey tiri:

“Aniga waxaan ahay dadka Shabaabka ka soo cararay waxaan qabaa talo soo jeedin, Soomaalideena kelmada argagixiso aad ayey inoo dhibtay, diinteena waa diin nasteexo ILLAAHEYNA aad ayuu u karaameeyey nafta bini’aadamka, kuwa aad sheegeysaan ee argagixisada ah waxeey si qaldan u tarjumeen diinta, waxa ay sameysnayaan looma xukumi karo Islaamka & Soomaalida; Waxaan soo jeedinayaa in dhalinyaro badan oo Soomaali ah, afkana baratay, xaafad walba laga qoro ayna booliska la shaqeeyaan si ay u wacyigeliyaan dhalinyarada si aan loo duufsan”

Dadka kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Qandac oo ku hadlayey magaca Ururka KULMIYE, waxaanna uu sheegay in ay soo dhoweynayaan in la joogteeyo kulamada ceynkan ah, Soomaaliduna ay tahay tan dhexdeeda isu xog-ogaalka ah.

Ugu dambeyntii waxaa loo mahadceliyey Sahra Gama’diid oo gogosha kulanka dhigtay, waxaanna Soomaalidii ka soo qeybgashay laga codsaday in ay ka qeybqaataan yabooh dhaqaale loo sameynayey dhalinyaro Soomaali ah oo koox ahaan kaga qeybgalaya tartan isboorti oo dhowaan ka dhacaya dalka Sweden.

DAAWO SAWIRADDA:

 

nnnn10365524_1131856376840837_4427079815979297857_o 10697413_10153114695869342_157124289036689808_o 10995370_1131855770174231_1933433429157289545_o 11039239_889809504398376_7569373661672576413_o 11073050_889809644398362_2754934221826483042_o 11212639_889816867730973_9204682801079369838_o 11270555_889809704398356_139201043829749079_o 11312818_1131854423507699_4171978768562088111_o